|

Muxuu Daaranaa Asaaska-Qaran ee Maxamed Cali Samatar? Xildhibaan C.raxmaan Yuusuf Cartan

Hargaysa 29.August 2016 (SDN/QJ):-Qoraalakan waxan u holladay  markii la icaalamiyey in Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar aas-qaran loo sameeynayo, haseyeeshe dib baan u dhigey, anigoo is leh yaanay caadifadi soo dhexgelin.

xildhibaan cabdiraxmaan yuusuf cartanMaanta oo muddo toddobaad ka badani ka soo wareegetey ayaan go’aansaday inaan arrintaa eryo kooban ka idhaahdo.

Kumuu Ahaa Samatar?

Beryahanba waxay reer Somaliland isha ku hayeen dood ku saabsan geeridii sarkaalkii ugu sarreeyey, (lambarkii labaad) dawladdii kacaanka ee u hoggaaminayey Siyaad Barre. Sarreeye Guud  Maxamed  Cali Samatar dhinaca siyaasaddana wuxu ahaa ninka labaad waxa keliya oo ka sarreeyey Maxamed Siyaad Barre, dhinaca ciiidanka wuxu ahaa ninka ugu darajada sarreeya Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ee Soomaaliya.

Kolkaas Maxamed Cali Samatar (AHN) wuxu ka mid yahay astaamihii ugu muhimsanaa ee xukuumaddii kacaanka. Haddii ay xukuumaddaasi khayr lahaydna khayaraakaas buu wax ku leeyahay oo qayb-libaax leeyahay haddii ay shar lahaydna sharkaas ayuu wax ku leeyahay oo weliba qayb-weyn ku leeyahay,.

Siyaadaw waa lagu xumeeyey ee xaal qaado

Bilawgiiba, markii  badhtamihii 1991kii ay labadii garab ee USC Muqdisho ku dirireen, oo halkii laga sugayey in nabad iyo xorriyad ka dhalato dadweynihii reer Muqdisho xabbad lala dhacay,  maatadii hadba dhinac u qaxaysey waxay arkeen in xaaladda ay ku sugan yihiin ay ka xun tahay tii markii Siyaad Barre dalka ka arrimnayey. Sidaas daraadeed ayaa dumarkii oo carruurta dhabarka ku sitey iyo dadweynihii kacadoonka Siyaad Barre lagaga soo hor-jeedo ku jirey waxay iyagoo ka shalaynaya taageeradii ay jabhada siiyeen ay ku tiraabayeen: Siyaadaw waa lagu xumeeyee xaal qaado.

Xilliga ay sidaas dadwenaha Muqdisho u fekerayaan wuxu ahaa beri fog. Xumaantii waagaas bilaabantay mid ka sii xun oo ka sii xanuun badan ayaa dadka reer Muqdisho la soo deristey. Toggii xanuunka, dhiig iyo xinjir baa sii qulqushay. Dad badan oo aan waxba galabsan ayaa naftoodii qaaliga ahaa waayey, tobanaan kun ayaa u qaxay daafaha dunida u qaxay oo tahriib, gumeysi dulmi nooc uu yahayba la soo dersay. Kolkaas hadalkii 1991kii ay ku tiraabayeen miyaanu noqon mid gar u eg.

Siyaad Barre markii Buur-Dhuubo ay USC-du ka caydhsatay, wuxu yidhi, “aniga dad ima baacsane yey baa eryatey”. Wixii Xamar ka dhacay markii Siyaad Barre la ridey ee socdey muddada 25 sano ah ee xumaan ah ee dulmi ah ee gabboodfal ahi, miyaanay run ka yeeleyn hadalkii ay maatadii qaxaysay 1991kii ku calaacalaysey?

Xilligii Beri-samaadka

Anigu run ahaantii waan u guraabayaa calaacalka maatadaa ay jabahadii ay is lahaayeen way idiin adeegeysaa ay aragagaxa gelisey. Laakiin fekerkii noocaas ahaa ma noqon mid maatada ku kooban. Dad badan oo qaar xilal qaran hayaan, siyaasiyiin, qaar raggii ka tirsanaa maamulkii kacaanka, aqoon yahan badan ayaa qaatay fekeredaa ka soo unkantay dadka masaakiinta ah ay shidadu haysatay.

Waxa caado noqotay oo aan lala gabban in xilligii maamulkii milteriga loogu yeedho, xilligii beri-samaadka  Soomaaliya. In si khushooc leh loogu yeedho ayaamihii cisiga, ayaamihii gobonimada. In raggii nidaamkaas hor-joogayaasha ka ahaa debec iyo kalgacayl lagu xusuusto laga dhigo astaamihii gobonimada iyo wanaagga. Madaxdii Beri-samaadka. Dareenka noocaas ah ayaa keentey in Madaxweyanaha iyo Rayiisulwasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka xukuumada Fedraalku ahi ay carriga Maraykanka ka soo walwaashaan maydkii Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar oo Muqdisho ugu sameeyaan aas-qaran, Siyaad Barrena way u sameyn lahaayeen, Siyaad Barre waqti la waalan yahay buu inaga geeriyoodey, waxy noqotay, ku-xigeenkiisii aynnu u abaal-gudno oo sharaf ku maamuusno.

Ilaah baa og, waxa dhici karta in Cali Samatar iska jeclaan lahaa in Virginia lagu duugo oo uu camalkiisa luxdkiisa dalkaa shisheeye la jiifo. Laakiin dawladii Fedraaliga ahayd ee lahayd dadka Soomaaliyeed baan ka wakiil ahay waxay u gartay kuna maamuustey inuu halyey qaran yahay, wanaaggiisii iyo wax-qabadkiisiina si waafi ah ayay dadka ugu soo bandhigtey.

Dal iyo Dad midna iga Danbeyn Maayo

Inti aanay Soomaaliya godka madaw ku dhicin in badan baa dalal iyo dad nasteex u ahi si hoose iyo si koreba ugu sheegeen Siyaad Barre inuu xukunka ka dego ama sameeyo is-beddel, wuxu af-buuxa ku tiraabay, “waar haddii aan lay dayn aniga dal iyo dad iga danbeeyn maayo”.  Maalmihii ugu danbeeyey ee ay kooxdii la magac baxaday Manifesto oo ahayd xilli dagaalkii sokeeyeba gobolada dhexe iyo Hiiraan ka socdo, waxa Siyaad Barre lagula taliyey inuu xukunka dhinaca uga baydho. Wuxu ku jawaabay: “maxaa Soomalidii waalay, maxay baddooda kalluunka uga la soo bixi waayeen, maxay beerahooda  iyo dhulkooda barwaaqada ah u falan waayeen”, Maxamed Cali samatarna waa ag taagnaa.

Wixii dhibaato Soomaaliya ka dhacay, hadday tahay xumaantii iyo gabbood falkii ay ka geysatey 1980kii Bari iyo Nugaal, hadday tahay xasuuqii dadweynihii reer waqooyi iyo dumunitii magaalo madaxdii labaad ee dalka oo ay ku naf waayeen in ka badan 50,000 muwaadin waxa ka mas’uul ahaa dawladii dalka ka talinaysey oo ay u kala hooseeyeen laba Maxamed, Maxamed Siyaad Baarre iyo Maxamed Cali samatar. Waa ninka maanta ay dawladda fedraaliga ahi ay ku maamuusayaan aaska-qaran, kana dhigayaan ceeb ka saliim.

Xaqiiqadu waxay tahay Siyaad Barre iyo intii xukunka ku wehelisey ee mindida daabkeeda haysey si toos ah ayay uga mas’uul yihiin wixii Soomaali ku dhacay, cid ka saamixi kartaana ma jirto….. “godobtayda waa dhaqan yihiin gaasaskii qabaye…”

Farriinta ay Muqdisho Hargeysa u Direyso

Maamulka Muqdisho ka dhisan wuxu aaminsan yahay ama caalamkuba ku daduucaayaa inay dawlad u yihiin Soomaali oo dhan, iyagaana la dhaxalsiiyey wixii agab iyo adeeg ahaa ee ummadda ka dhexeeyey. Way jiraan qayb aan oggolayn cimaamadda weyn ee loo xidhay maamulayaasha dawladda fedraaliga oo Somaliland baa ka mid ah.

Waajibka ugu horreeyey ee dawladda fedraaliga ahi waxay ahayd inay ka fekeraan inay ummadda ka dhex abuuraan dib-u-heshiin. Ummad aan dib u heshiini wanaag kama dhex dhalan karo, kala shaki bixi mayso, waxna wada yeelan mayso. Dib-u-heshiinta dhabta ahina waa tan ay ku tallaabsadeen beelaha Somaliland dabayaaqadii iyo bilowgii 1990 iyo 1991, ilaa iminka ay wadaan. Somaliland mar qudha gogosha nabada may laabin. Kaasi kama dhicin dhinaca Koonfureed, Somaliland iyo Soomaaliyana kama dhicin. Cidda u cimaamadan madaxtinimada Soomaaliya waajibkeeda kowaad waxay ahayd siday u suuragelin lahayd abuuridda jawi dhab ah oo ay isku beer-xaadhaan beelaha wax kala tirsanayaa, ama siyaasadda isku maandhaafsanaa. Ha sii wada joogaan ama ha kala tagaane. Ma ahayn in maamulka Xasan Sheekh uu tuurta ku soo qaadto, u abaabulo aas-qaran, calanka ku gedfo nin kala badh ay ummaddu aaminsan tahay inuu yahay denbiile qaran.

Maanta maxkamad saari mayno marxuumka oo tii Ilaahay buu hor joogaa. Waxaynnu ka hadlaynaa, maxay tahay farriinta uu Xasan Sheekh u dirayo ehaladii 50,000 ee Hargeysa ku naf waayey ee aaminsan inay dhagartaa masuul ka yihiin Cali Samatar iyo ciddii talada ku wehelisey? Maanta adduunkii tuulo ayuu noqdey, maalin kasta waxa maxkamada Hague la saaraa rag sameeyey denbiyo la mid ah kaa Cali Samatar loo aaneynayo, caalamka, meelna maynnu arag dadkii noocaas ahaa oo aas-qaran loo abaabulayo. Haddaba maxaynnu ku fasiri karnaa filcilka dawladda fidraaliga ah? Maxay tahay fariinta gaarka ah ee Xasan Sheekh reer Somaliland u dirayaa? Maxay tahay ayaan darrada guud ahaan Soomaali haystaa?

Fariinta gaarka ee reer Soomaliland ku socotaa waxay tahay: “Waryaa Somali Qaldaan wax idin gaadhay iyo wax kacaankii barakaysnaa idiin geystey ma jiraane, yaan madaxda Soomaaliyeed la ceebeyn, mar horena la taliyahaga ciidanka janeral Moorgan baa wax ka sheeg sheegteen”. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaaNinka Warranka kugu dhufta waxa ka cadawsan kan kugu dhadhaqaajiya,Xasan Sheekh iyo maamulka Muqdisho ka taliyaa warrankii Somaliland ku taagnaa ayay ku dhaqdhaqaajiyeen.

Run ahaantii tallaabada aas-qaran ee Cali samatar ma ahayn ciseynta ninkaas, balse waxay ahayd farriin cad oo Somaliland ku socota,  oo ay madaxdaa Muqdisho ku muujinayaan dareenkooda dhabta ah.

Fiiro Gaar ah

Markaad madaxweyne qaran sheeganayso oo aad og tahay in  xaajada Cali Samatar ummaddu ku kala qaybsan tahay oo aanay jirin wax kugu qasbaya inaad qaadato mawqaf dhibi ka dhalan karto, haseyeeshee aad juhdi iyo dhaqaale ku bixiso meel marintiisa, ogow farriin cad baad direysaaye. Haddaba mudanayaal, waxannu idiin sheegeynaa in farrintaasi na soo gaadhay, idinkana guddoonay.

Ayaan Darrada Soomaali Guud ahaan

Ayaan darrada guud ahaan Soomaali haysataa, waxay tahay, inaan cashar laga baran dhibtii shalay dhacday, khatarna loogu jiro in la qaado wadadii shalay lagu jabay. Taasoo micnaheedu yahay in dib loo abaabulo dhammaan hay’adihii cadaadiska ee keli-taliye Siyaad Barre samaystey.

Muddo malaha laba sano laga joogo waxa Xasan Sheekh u dabbaal-degayey sanad guuradii 42aad ee hay’dii nabadsugidda Soomaaliyeed… caalamka kale way baabi’yeen hay’adihii cabudhinta ee ka jiray dalalkii keli-taliska ahaa sida Jarmalka Bari oo sirdoonkoodu ku magac dheeraa Staasi, Nabadsugiddi keli-taliyihii Roomaania Nikolay Ceausecu ee laga biqi jirey ee loo yaqaanay Secuiritate,hay’adahaas cabdudhinta oo dhan iridaha ayaa loo xidhay raggii maamuli jireyna waxa xabsi mutaystey iyo wax shaqadii laga caydhiyey bay noqdeen. Soomaalida oo la ogaa wixii dhib iyo gabbood fal oo ay hay’adihii cabdudhintu geystey ayay dawladda fidaarliga ah dib u abaabulaysaa.

Way dhici kartaa in Xasan Sheekh ku hamiyayo inuu sameyo hay’adihii kale ee cabudhinta sida tii Dhabar-jebinta, haddii aanu weli samaysan, malaha dhib loo arki maayo oo berriba wuu samaysan, wuxu samaysan doonaa xabsiyadii laanta-buur iyo labaatan jirow, illeyn waxa la higsanayaa wixii jirey xilligii beri-samaadkee. In burbur dhacaa waa nasiib darro, waxase kii sii xun in burbur dhaco oo aan waxba laga korodhsan.

Xildhibaan cabdiraxman Yusuf Cartan

Comments are closed