|

Galmudug oo Sheegtay inay Puntland Ciidamo Dul Dhigtay,Waa Maxay Sababtu? DHAGAYSO

Caddaado 29.August 2016 (SDN/QJ):-Maamulka Galmudug ayaa sheegay  inay dawlada Puntland soo dhigtay Ciidamo Tiro badan goobaha ay isaga dhowyihiin Galmudug iyo Puntland.

 

GalmudugWasiirka dowlaha Arrimha gudaha ee Maamulka Galmudug Cumar Maxamed Gureey oo la hadlay Warbaahinta  magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  Puntland ay Ciidamo badan soo dhoobeen Xadka ay Maamulkooda la wadaagaan Puntland.

 

Cumar Maxamed, ayaa sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo nabad Galyada cidii Galmudug soo weerartana aysan gacmaha ka laabanayn oo iska celinayaan sida uu sheegay xili uu warbaahinta u waramayey.

Comments are closed