Ilaa iyo maalintii la ansaxisey Dastuurkii Federaaliga kudhisan ee Soomaalia, waxaa Qurbaha iyo dalkaba ka bilowday dadaal ku salaysan isu soo dhawaynta gobolada midoobi kara oo ku salaysnaa sida ay goboladu deegaan ahaan isu xigaan. Shirarka noocaas oo kale ah oo caado unoqotay in ay ka wada qaybqaataan dhamaan dadka deegaanada wada dega, ha ahaadeen kuwa ugu tirada badan ama kuwa laga tiro badan yahay, ayagoo dhamaan ka siman rabitaanka nadhaamka Federaaliga ah madaama ay dadwaynaha Soomaaliyeed ay ucadaatay in Soomaaliya nadhaamka Dowliga Dhexe marna uusan ka shaqayn karin.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Minneapolis, ee gobolka Minesota, oo ah meelaha ay Qurbajoogta Somaaliyeed sida cad uga muuqato, kuna badan tahay, ayaa waxaa isla markiiba la bilaabay shirarkii ugu horeeyey oo looga hadlaayey Dowlad Goboleed cusub oo laga sameeyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Isla markiiba waxaa la isla soo qaaday in la mideeyo, lana aasaaso maamul Goboleed ay ku midaysan yihiin Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Shabeelada hoose, Bay iyo Bakool – iyada oo loogu magac daray 6da Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed oo uu taariikh ahaan aasaaskeedu lug ay ku leeyihiin jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanadaas, kuwaas oo wadahadalkoodi kowaad ka bilaabey magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota.
Sidoo kale, waxaa iyada garab socday shirar kale oo ay qabanqaanbiyaashoodu taageersanaayeen maamulkii loogu magac daray Azania oo ka koobanaa Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, kaas oo markii danbe ay dadkii degaanka, ayagoo isku duuban, isku raaceen in ay qaataan magaca Jubbaland madaama qaar ka mida jaaliyadihii taabacsanaa Lixda gobol ay dareemeen in fekerka ah in Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo israaca ay ka fududahay isku keenista Lixda gobol oo ay qaabiilo badan degan yihiin. Halkaasaana maamulka Jubbaland oo ay taageereen dadka degaanka Jubbooyinka iyo Gedo degan uu ku noqday maamul cusub oo ku soo biiray Somaliland iyo Puntland. Maamulka Jubbaland oo noqday kii ugu horeeyey oo ku saleesan Dastuurka Federaalka kaas oo ogol in Labo ama Sedex Gobol ay midoobaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan tusaalo ahaan ugu soo qaatey Lixda Gobol iyo Maamul Goboleedka Jubbaland, sida ay u Qurbojoogta, ayaga oo ku xiran Daljoogta deegaanadooda ka soo jeeda ay ugu qanacsanaayeen Dastuurka cusub, nadhaamaka Federaalka iyo aayaha deegaanandooda madaama ay nadhaamka ku dhisan Dowlada Dhexe ayna ku qanacsanayn. Puntland iyo Somaliland waxay ahaayeen maamulo dhisan Dastuurka cusub ka hor. Waxaase la iswaydiinayey waxa ay gobolada dhexe la aamusnaayeen madaama dadka deegaanada gobolada inta badan ay ku qanaceen Dastuurka cusub inkasta oo waqtigaa ay jireen maamulo sheegta Galguduud iyo Hiiraan.
Inta Lixda Gobol iyo Jubbooyinka qabanqaabadeedu socotey, waxaan isku dayey in aan wax ka ogaado Gobolka Galgaduud oo uu ka dhisan yahay laba maamul: GalMudug iyo Ximin iyo Xeeb, iyo Hiraan oo isaguna loogu dhawaaqay maamulka Hiiraanland. Waxaa dadka siyaasada u dhuundaloola u muuqatey in ay labaduba isu baahan yihiin marka loo eego Dastuurka cusub, hadana waxaan la arag wax qabanqaabo ah oo ay bilaabeen QurboJoogta ka soo jeeda deegaankaas. Inkasta oo aan arkayey in QurboJoogta ka soo jeeda labada gobol aysan yeelan shirar sida jaaliyadaha ka soo jeeda Lixda gobol iyo Jubbaland, waxaase soo if baxaysey in Galgaduud iyo Hiiraan uu jiro madmadow, taas oo ay cadeeyeen dad labada dhinac kasoojeeda, una dhuundaloola siyaasada maamul gobaleedyada.
Markii aan wax ka waydiiyey qaar ka mida jaaliyadaha ka soo jeeda labadaan gobol oo inta badan ka hadla in aysan iyagu rabin nadhaamka Federaaliga ahi – ayaga oo aan cadayn sababta ay ku diidaan, ayaa waxaa ii cadaatey in madmadowga dadka inta badan hadal hayo, ay na la xariirto sidii ay wax u wadaagi lahaayeen. Taasoo loo fasiran karo – hadii ay labadaan gobol maanta ahaan lahaayeen kuwo wax isku darsan kara, in uu nadhaamka Federaaliga ee Soomaaliya ahaan lahaa mid maanta taaba gala ama meel mara.
Midaasi ma aha mid wax ka badeli doonta Somaliland siyaasadeeda ku aadan gooni isutaaga, sida keli ah oo ay kusoo noqon kartana ay noqon karto nadhaam Federaali ah, oo u ogolaada in ay degaankooda iyaga ka taliyaan. Inkastoo Puntland arinteedu ka duwan tahay Somaliland, iyadana waxay aragtey faa’iidada nadhaamka Federaalismka, umana eka in ay ka tanaasuli doonaan nadhaamka Federaaliga ku dhisan. Jubblanad iyo maamulka Koonfur Galbeedna waxay dhadhamiyeen nadhaamka Federaalka sida Puntland, umana eka in ay ka nadhaankii adkaa ee ku dhisnaa Dowlada Dhexe ku badalanaayaan Dastuurka Federaaliga ah.
.
Dhica kale, DalJoogta ka soo jeeda degaanada Gobolka Hiiraan oo iyaga ku dooda in ay Hiiraan ay tahay Gobolka ugu wayn, hadii la kala qaybiyana uu noqon karo labo gobol si Hiiraan kaligeed u noqoto Dowlad Goboleed, ayaa iyada ah mid farta ku fiiqaysa meesha ay iska qaban la’adahay maamul ka dhasha Goboloda Dhexe oo ay Galgaduud si aada ugu baahan tahay madaama aysan marna ku darsamayn Puntland.
Waxaa aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalda Minneapolis, ee MN – junlay99@aol.com
