|

Natiijada Doorashadii Ku Celiska ahayd ee Kenya oo Lagu Dhawaaqay iyo Madaxweyne  Uhuru Uhuru Keyatta oo Ku Guulaystay 98%

Nairobi 30. October 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati, ayaa ku dhowaaqay in madaxweynaha Kenya ee xilligan talada haya ee Uhuru Kenya uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Khamiistii aynu soo dhaafnay ka dhacday waddankaasi.

Chebukati oo xarunta doorashada ka akhriyey natiijooyinka doorashada ayaa sheegay in madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen loo doortay Uhuru Keyatta iyo William Ruto, ayna heleen in ka badan 98% codadka la dhiibtay.

Chebukati waxa uu difaacay qaabka ay doorashadu u dhacday, isagoo sheegay inay ahayd mid ku dhacday si xor iyo caddaalad ah.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, ayaa dalbanaya doorasho cusub oo lagu qbato 90 maalmood gudahood.

Safaaradaha reer Galbeedka ayaa Xaddiday Shaqo Maalmeedkoodii iyagoo Cabsi ka qaba in Isu soo baxyo ka dhan ah Natiijada doorashadu ay saamayn ku yeeshaan waxayna fariin digniin ah u direen Muwaadiniinta reer Galbeedka ee Ku sugan dalka Kenya inay taxadar xoogan sameeyaan kuna eekaadaan Dhismayaasha ay degen yihiin.

Madaxweyne Uhura Kenyatta oo ku sugnaa Goobtii Natiijada lagaga dhawaaqayay ayaa la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in Hogaamiyaha Mucaaridku uu u hogaansamo Natiijadda Lagu dhawaaqay isagoo dhanka kalena ugu baaqay shacabka Kenya inay is dejiyaan kana taxadiraan inay Sameeyaan Wax rabshado ah.

ilaa hada afar degmo doorasho oo Dalka Kenya oo ay ku Xoogan yihiin Mucaaridku ayaanay Wax doorasho ahi ka dhicin iyadoo distoorka kenya uu Waajibinayo in Doorashadda Madaxtooyaddu ay ka dhacdo Degmooyinka waddanka Kenya.

Comments are closed