Uncategorized

Nigeria:Hutel Hilibka Dadka Lagu Iibiyo Oo Albaabada La Iskugu Dhuftay

Anambara:May,15,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Boliska Dalka Nigeria, ayaa albaabada ulaabay Hotel ku yaalay gobolka Anambra ee dalkasi ka dib markii lagu helay in Hotelkaasi lagu iibiyo Hilibka dadka bini-adamka.

rugrBooliska ayaa talaabadan qaaday ka dib markii Hotelka dhexdiisa ay ku arkeen Laba madaxa dadka bini-adamka ah oo dhiigaya,kuwaasi oo u muuqday kuwo dhawaan la qalay.

Booliska ayaa xidhay 11-Qof oo Hotelka ku sugnaa,oo uu ku jiro Milkiilaha Hotelka,maadama isaga uu mas’uul ka ahaa Hotelka looga ganacsanayay Hilibka dadweynaha.

Sidoo kale,Booliska ayaa intii ay baadhista wadeen waxay  gacanta ku soo dhigeen Qoriga AK-47,Banbaanooyinka gacanta laga tuuro iyo waliba mobile phones,kuwaasi oo dhamaantooda Boolisku ay la wareegeen.

Sheegashada in Hotel lagu iibiyo Hilibka dadweynaha ayaa noqoneysaa dhacdadii ugu horeysay oo lagu arko Hotel ku yaalo dalka Nigeria.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com