|

Nin Soomaali ah oo Burcad badeednimo lagu helay iyo xukunka ku dhacay

Norfolk Va Mar 31,2012(SDN)-Nin Soomaali a oo lagu maxkamadeynayay Burcad-badeednimo dalka Mareykanka oo lagu helay denbigaas ayaa lagu riday xukun xabsi daaim ah.

Xaakim dawlada dhexe ee Norfolk ayaa xukunka riday ka dib kolkii uu Saciid Cabdi Fooley qirtay in uu denbigaa galay.

Xaakim Rebecca Beach Smith ayaa soo jedin ugu sheegtay Waaxda xabsiyada in ay tixgelin siiso maxbuuska waxbarashadiisa bacdamaa aanu ku hadal English.

Fooley ayaa ka mid ahaa 11 Burcada oo la soo qabqabtay ka dib kolkii ay afdub u geysteen Markab la yidhaahdo Quest oo Mareykanka laga leeyahay.

Dhaam rakaabkii Markabkaas ayaa geeriyoodey ka dib kolkii ciidamo Mareykan ahi ay isku deyeen in ay so furtaan.

Sadex kale oo ka mida Burcad ayaa ku eedeysan dil,maxkamadooduna dhawaan ayay bilaami doontaa.

SDN-Norfolk

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed