|

Paris:Faransiiska oo Albaabada Isugu Dhufanaya Xerada Muhaajiriinta Calais & Rabshado Halkaas ka Aloosan SAWIRO

Paris 26.October 2016 (SDN/QJ):-Ciidamada Booliska Faransiiska ayaa maalintii Sadexaad ku howlan inay tahriibayaasha ka saaraan xero ku taalla dekadda Calais.

calas1Xerada Calais ayaa degaan u ah muhaajiriin sharci daro ah oo doonaya inay u gudbaan dhanka dalka Britain.

 

calas2In ka badan 1,200 oo askari oo ka tirsan booliska dalka Faransiiska iyo saraakiil kale ayaa maalintii labaad wada inay kumanaanka qof ee Qaxootiga ah ka saaraan xerada muhaajiriinta ee ku taala magaalada Calais.

 

calas3Muhaajiriintan ayaa waxaa basas lagu geyn doonaa meelo kale oo ka tirsan dalkaasi, halkaasoo ay u suurtagali doonto inay magangelyo codsadaan.

 

calas5Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa sheegaya inay door-bidayaan inay waddooyinka seexdaan halkii laga saari lahaa xeradaasi.

 

calas8Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa halkaasi ka dhacayay isku dhacyo iyo rabshado u dhaxeeya booliska iyo kooxo muhaajiriin ah oo diidan in xerada laga saaro.

 

calas9Waxaa Xeradan degenaa qiyaastii 8,000 kun oo qof oo ah muhaajiriin doonaya inay galaan dalka deriska ah ee Britain, waxaana haddii laga raro soo afjaramaya damacoodii ahaa iney galaan Britan.

 

calas10Mas’uuliyiinta dalka Faransiiska ayaa doonaya in usbuucan ay muhaajiriintani ka saaraan xeradan isla markaana ay xeradaasi burburiyaan.

Comments are closed