|

Prof Ismaaciil Buubaa oo ka Digay In Wada Hadalada Khaatumo iyo Somaliland lagu Koobo Hal Xisbi Kuna Taliyey in la Wanaajiyo Xidhiidhka Somaliland & Caalamka

Hargaysa , 29 September, 2016-(SDN/QJ) :– Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ka hadlay Shirka gogol xaadhka ah ee ka furmaya Dubai ee u furmaya Somaliland iyo Khatumo, waxaanu ka digay in shirkaas laga dhigo mid xisbi gaar ah ku kooban.

buubaaSiyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidh “Shirka gogol xaadhka ah ee Dubai ka dhacaya waan soo dhaweeynayaa waxaanan ku rajo weynahay inuu Shirkani keenayo faa’iido iyo is fahan,  Cali Khaliif Galaydhna waa Siyaasi reer Somaliland ah, in lala hadlaana waa muhiim kolay Shirkan isagu ka qayb gali maayo balse Niman kale oo hawshan u qaabilsan ayaa ka qayb galaya.”

Siyaasi Buubaa mar uu ka digaayey in la siyaasadeeyo Shirkan ayaa yidhi “Waan ka digayaa in Shirka la siyaasadeeyo oo lagu soo koobo Xisbi oo la yidhaahdo Xisbi qudha ayaa wax la hadlaya waxay sharaftu ku jirtaa in Shirkan iyo Shirka Burco ka dhici doona bisha dambe in la balaadhiyo oo aan la soo koobin laguna soo koobin in cid gaar ah oo Xisbiyi wada hadaladan gasho,,dabcana shirkani Xisbi qudha wuu ka baaxad weyn yahay.”

Ismaaciil Buubaa oo ka hadlaya baahida ay Somaliland u qabto xidhiidhka beesha caalamka wuxuu yidhi “Caalamka weynu u baahan nahay, sinaba uga maarmi mayno, waxyaabo badan baa inagaga xidhan oo uu Ictiraafku ka mid yahay,  haddii labada Doorasho la kala qaaday maaha in meeluun la taagnaado, oo laga dhego adaygo ee waxa weeye in la qanciyo oo lagu qanciyo sababta keentay iyo duruufto kaliftay in la kala qaado, balse haddii la is dhego mariyo wax alaale wax inoo hagaagaya ma jirto.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waa dhab in Wadana aan lagu maamulin arimhiisa guddaha, haddana madaama aynu maanta ictiraaf iyo dano badani caalamka inagaga xidhan yahay, maaha in inaga oo qancin karna kuna qancin karna baahida iyo duruufta keentay in Doorashada Wakiilada dib u dhacdo, maaha inaynu ka aamusno, afkana ka daboolane, ee waa inaynu qancina”

Comments are closed