Puntland oo Calmiskaad geysay Suxuufiyiin

Bosaaso (QJ) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo ay wehliyaan wariyaal caalami ah ayaa kormeer ku tagay buuraha Cal-Miska. Korneyl Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale) oo ah taliyaha guutada 1-aad ee Kobra ayaa ka mid ahaa saraakiishii ku soo dhaweysay wefdiga jiida hore ee dagaalka.

Saraakiishan ayaa booqday goobihii dhawaan laga saaray kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku sugan buuraleyda Cal-Miska. Taliye Gaagaale ayaa ah sarkaalkii ugu da’da yaraa ee hogaaminaya ciidamada difaaca Puntland oo dadaal ugu jira sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ah ee Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

Howlgalka ballaaran ee ciidamada Puntland kula dagaalamayaan Daacish oo billowday bishii December ayaa laga gaaray guulo la taaban karo, iyadoo ciidamada ay qabsadeen inta badan fariisimo iyo saldhigyo ay Daacish horay uga maamuli jirtay dhulka buuraleyda ah.