Puntland oo ciidamo dheeri ah geysay buuraleyda

Bosaaso (QJ) – Cutubyo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland oo dhawaan tababar loo soo xiray ayaa lagu daadiyay furimaha dagaalka ee buuraleyda Almiskad ee gobolka Bari. Wajiga labaad ee howlgalka lagu ciribtirayo kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa lagu wadaa in uu bilowdo todobaadkan.

Ciidamadan oo ku qalabeysan Hubka culus iyo kuwa casriga ah ee dagaalka ayaa si toos ah uga qeyb qaadan doona duulaanka lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Daacish ee weli ku dhuumaaleysanaya gudaha Buuraha Calmiskaad.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, oo shalay ku dhawaaqay in la bilaabayo wajiga labaad, ayaa sheegay in maleeshiyada Daacish laga soo hareereeyay dhinac walba. Waxa uu ku nuux-nuux saday in hadafka dowladda uu yahay in la xaqiijiyo in maleeshiyada ay isa soo dhiibaan ama la ciribtiro marka uu howlgalku bilowdo.

Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wajiga labaad ee howlgalka la filayo in uu qaato waqti ka yar wajigii hore oo soo bilowday horraantii bishii Janaayo ee sanadka 2025-ka.