Dawlada oo u ditay hayadaha Dawliga iyo kuwa caalemiga ah

Muqdisho (QJ) – Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay dhammaan hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, iyadoo mamnuucday wax wada-shaqeyn ah iyo la macaamilka Al-shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in hay’adahan looga baahan yahay in aysan la macaamilin, aysan siinin taageero dhaqaale, una hoggaansamaan amar kasta oo ka soo baxa Al-Shabaab. Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in kooxdan ay bilaabeen inay lacago baad ah ka qaataan hay’adaha qaarkood.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in hay’ad kasta oo lagu helo in ay xubno ka yihiin Al-Shabaab ama Daacish ama wakiilo ka ah in si deg deg ah loogala noqon doono shatiga shaqo ee ay ku shaqeyneyso, waxaana loo gudbinayaa hay’adaha ammaanka iyo garsoorka si tallaabo dheeraad ah looga qaado.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay digniino noocaan oo kale ah u soo saartay, iyadoo ku goodisay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto cid kasta oo lagu helo in ay la shaqeyso ama u hoggaansanto awaamiirta Al-Shabaab.