|

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo dhawaan la xidhayo iyo Sababta ka dambeysa oo la sheegay

Muqdisho 31.October 2016 (SDN/QJ):- Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la xirayo qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka ah ee kuyaala Magaalada Muqdisho.

wadooyinTaliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in maalmaha soo socda la xiri doono Wadooyin Muhiim ah oo kuyaala magaalada Muqdisho si loo xaqiijiyo amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Waxa uu ugu baaqay taliyaha shacabka magaalada Muqdisho in ay muujiyaan dulqaad inta ay xiran yihiin wadooyinka qaar ee loo xirayo doorashooyinka , waxa uuna ka codsaday shacabka in ciidamada amaanka kala shaqeeyaan sugitaanka amaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in lagu qabto Doorashada Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka Federaalka, waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dooran doonaa Xildhibaanada dowlada kasoo galaya gobolada Waqooyi, Xildhibaanada kale ayaa iyana lagu dooran doonaa xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira.

Comments are closed