|

“Xubinta shirwaynaha Xisbigu u doorto Hogaanka sare ee Xisbiga UCID uma banaana in ay u tartanto Musharaxnimada jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenimada”.Maxamaed Dubad Gacayte

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Anagoo ka duulayna Xeerka UCID iyo Xeer Lam.14; Waxaanu Cadaynaynaa Inaanu Faysal Gudoomiye Ahayn, Lumiyayna Xilkii Gudoomiyenimo Kadib Markii uu Ku Dhawaaqay Musharaxnimo. Sida Ku Cad qodobadan:-

maxamaed-dubad-gacayteQODOBKA 27 AAD, Faqradiisa (3 & 4) EE XEERKA UCID. Wuxuu dhigayaa.

  1. Xubinta shirwaynaha Xisbigu u doorto Hogaanka sare ee Xisbiga uma banaana in ay u tartanto Musharaxnimada jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenimada.
  2. Hadii xubin Hogaanka sare ka tirsani damacdo in ay u tartanto Musharaxnimada jagada

Madaxweyne iyo ku-xigeenka waa in xubintu iska casishaa xubinimada Hogaanka Sare ee Xisbiga mudo 6 bilood ka hor ah Kal-fadhiga Golaha Dhexe ku dooranayaan Musharixiinta

jagada Madaxweynaha iyo kuxigeenka

XEERKA AXSAABTA QARANKA.

XEER LAM.14/ QODOBKA12aad: Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga

  1. Qofna jagada madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
  2. Xisbi qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xildoorasho wax ka badan.

Sidaas darteed Xoghayaha Golaha Dhexe Eng. Xasan Cismaan Sabce, Wuxuu ku Dhawaaqay in 6.Bisha Nov. La qaban doono Shirweynahii Xisbiga oo Waqtigiisii 2 bilood ka hadheen, 5 tii sano ay ku beegantahay Jan. 2017. Xaalada lagu jiro awgeed ayaa 2 bilood hore loogu soo dhigay maadaama waqtigii Doorashadu soo dhowyahay loona baahan yahay diyaar garow, Waxa lagama maarmaan noqotay inaan Xisbigu Hogaan La,aan socon karin. Talaabadani ma saamaynayso Xukunkii Maxkamada; Fulintiisuna waa halkii. Waxaanay ku koobantahay Gudoomiyaha oo ku dhawaaqay si badheedh ah inuu Mar 3aad tartamayo, isagoo sharci u ogolaanaya aanu jirin jabiyayna Xeerkii UCID iyo xeer lam 14.

Xilka iyo waajibaadka Golaha Dhexe ayay ka mid tahay; Waana Hay’adda ugu saraysa Xisbiga mudada Labada shirwayne u dhaxaysa. Xoghayaha Golaha wuxuu gutay waajibaadkiisii sharciga ahaa. Xeerka UCID awooda lagu dooranayo Musharaxiinta waxa iska leh Golaha Dhexe; Kal-fadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee qabsoomay 28 Oct. 2012. Waxaana cod gacantaag ah lagu Ansixiyay Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharaxa Rasmiga ah; ku xigeenkiisana sida ugu dhakhsaha badan looga soo xulidoono Gobolada Bariga Somaliland.

UCID GUUL INSHA-ALLAH.

Maxamaed Dubad Gacayte Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ah

 

Comments are closed