|

Qadar iyo Soomaaliya oo heshiis Sharci laka sexeexday

Dooxa February 26, 2024 (QJ) -Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Mahdi Maxamed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalkaasi Ibraahim Bin Cali Almuhannadi. Waxay kala saxiixdeen heshiis dhameystiran oo ku saabsan iskaashiga sharciga.

Heshiiska laba geesoodka ah wuxuu u tarjumayaa danaha wadaagga ah ee isdhaafsiga macluumaadka iyo khibradaha, diyaarinta iyo dib u eegista dukumentiyada sharciga ah.

Intaa waxaa dheer, labada dawladood waxay iska kaashan doonaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka, iyo barnaamijyada tababbarka sharciga, kor u qaadista awoodda iyo shahaadooyinka shaqaalaha sharciga, iyo la-taliyayaasha.

Munaasabadda heshiiska oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee dalka Qatar, ayaa labada Wasiir waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhanka sharciga ah ee labada dal, dhameystirka dastuurka Soomaaliya, taabagelinta hannaanka sharci ee dalka, iyo is dhaafsiga khibradaha arimaha dhanka sharciga ah.

Comments are closed