|

Ugaandha oo ku faantay sugida Garoonka Aadan Cade

Muqdisho February 26, 2024 (QJ) –Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay ku farsantahay sugida ammaanka garoonka diyaaradaha ugu weyn ee Muqdisho.

Brig Gen Anthony Mbuusi Lukwago oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in hadii aysan jirin dadaalo lagu sugayo amaanka garoonka Aadan Cadde uusan u horumareen sida uu maanta yahay.

Sarreeye Guuto Lukwago, waxa uu intaa ku daray, in Tallaabooyinka lagu sugayo Ammaanka Garoonka Aadan Cadde, ay sababtay in Garoonku uu sameeyo in ka badan 8,533 Duullimaad oo caalami ah, 18,166 Duullimaad gudaha ah, iyo 1,686 Gurmad ah.

Wasiirka gaashaandhiga Ugaandha Vincent Ssempijja oo booqday ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa ku ammaanay askarta ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS sida ay waajibaadkooda u guteen.

Si kastaba ha ahaatee, labo sano ka hor, dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan US, China, France, Germany, UK, ayaa sheegay in ciidamada Uganda iyo AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya si waafaqsan ujeedooyinka markii horeba loo dejiyay.

Comments are closed