Mudane Kay ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday dilka Xildhibaankaasi, isagoona sidoo kale cambaareeyay dilka wariye Maxamed Cumar Maxamed (Camaar) oo fiidkii isniinta lagu dilay gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu kaloo sheegay ergeyga gaarka ah in uu aad uga walaacsanahy amaan darrida iyo weerarka ka soo cusboonaaday Muqdisho oo ayaamahan si taxane ah loogu leynayey dadka Ku nool.
Wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg-deg ah u baadho cidda sida rasmi ah fulineysa weerarrada iyo dilalka ka dhacay Muqdisho, si caddaaladda loo horkeeno.
Inta badan dilalka ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia waxa si weyn u cambaaraysay qaramada midoobay, balse lama arko tallaabo intaas dhaafsiisan oo ay qaadayso.