|

Qaramada Midoobay Oo Dawlada Soomaaliya Ugu Baaqday in Si Degdega loo Dhameeyo Doorashada Aqalka Hoose

Muqdisho 21. November 2016 (SDN/QJ):- Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ugu baaqay Maamul goboleedyada inay Ku dhakhsadaan doorashada Aqalka Hoose ee ka socota deegaanada.

michael-keatingDanjire Keating wariyeyaasha Soomaaliya  kula hadlayay magaalada Baydhabo, kaddib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ugu baaqay in la soo dhameystiro Xildhibaanada ka hadhay Aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed.

“Qaramada Midoobey waxay diyaar u tahay inay fududeyso doorashada Aqalka Hoose, illaa iyo hada 26 kursi ayaa lagu doortay Baydhabo, waxaa dhiman kuwo kale, waxaa Mas’uuliyiinta u sheegtay inay dar dar geliyaan, si howlaha doorashooyinka loo dhameystiro”ayuu yidhi Micheal Keating.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay maamul goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle inay muddo 10-maalin gudahood ku dhameeyaan doorashada Aqalka Hoose.

Maamul goboleedyada qaar ayaa waxaa u dhiman doorashada kuraas badan oo ka tirsan Aqalka Hoose, taasoo keeni karta in dib u dhac ku yimaado doorashadii Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

23-ka bishan ayaa ku beegan waqtigii loo qabtay inay ku dhacaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka, waxaana muuqata in mudada ka dhiman in aan lagu qaban karin howlaha dhiman.

Comments are closed