Uncategorized

Qaramada Midoobay Oo Muujisay Walaaca Iyo Niyad Xumada ay Ka Qaadday Muddo-kordhintii Guurtidu U Samaysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

New York:May,14,2015(SDN/QJ)-Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda ku biirtay Caalamka sida joogtada ah u cambaaraynaya Tallaabadii dhawaan golaha Guurtida Somaliland Muddo-kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Aqalka Wakiillada.

kay kayWakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia iyo Somaliland Nicholas Kay oo ku hadlay Magaca qaramada midoobay, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay dib u dhigada dib loo dhigay doorashadii somaliland.

‘‘Waxaan aad ugu walaac sanahay  dib udhigada mudada 22-ka bilood dib loo dhigay doorashadii Somaliland.Waxaan ku baaqayaan in go’aankaas dib loo fiiriyo iyadoo la joogo wakhtigii tusaale wanaagsan loo noqon lahaa dimuqraadiyada,’’ ayuu Ergaygu ku yidhi qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitterka.

Walaaca ergayga qaramada midoobay, ayaa yimi waxyar kadib markii inta Badan Beesha caalamka ay taageerayaasha u ah Somaliland, ayaa muujiyeen Niyad-jabka ay ka qaadeen  muddo-kordhinta Guurtidu samaysay, waxana Xalay qoraal Lahjad adag ku qoran oo arrintan lagu cambaaraynayno soo saaray Midowga Yurub, taas oo xukuumadda lagu eedeeyey inay muddo-kordhin u heellan tahay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com