|

Qaramada Midoobay Oo Soo Saartay Liiska Dalalka Adduunka Ugu Amni Wanaagsan Sannadkan 2016

Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):–Sannad walba dunida guudkeeda shalay oo kale waxa laga xusaa maalinta loo asteeyey nabadda adduunka iyada oo la isku baraarijiyo qiimaha nabadda, sidoo kalena la soo ban dhigo goobaha adduunka ug halis badan iyo kuwa ugu nabad gelyo wanaagsan iyada oo dalkeena Somaliland ka mid yahay dalalka adduunka ugu nabad wanaagsan balse ku hoos jira aqoonsiga dal ka mid ah kuwa adduunka ugu halis badan oo ah Soomaaliya maadaama aan wali Somaliland haysan aqoonsi caalami ah.

peaceday-logoQormadan waxa aan ku eegi doonaa liis ay soo saartay qaramada Midoobay oo ah kuwa adduunka ugunabad wanaagsanaa sannadkan sii dhammaanaya ee 2016 innaga oo qormadan ku soo gabagabayn doona dhawr qodob oo khubarada nabaddu sheegaan in ay halis weyn ku yihiin amniga wanaagsan ee dalkan Somaliland ku naaloonayo.

Ururka Nabadda adduunka oo shaaciyey dalalka adduunka ugu nabad wanaagsanaa wax auu sheegay in uu ugu horreeyo dalka Iceland ee qaaradda yurub ka tirsani halka dalka Denmark oo ka mid ah dalalka Scandinavian-ku kaalinta labaad kaga jiro iyada oo Austria noqotay kaalinta 3aad.

Dhinaca dalalka Carabta waxa kaalinta 1aad ku jira dalka Qatar halka Kuwait iyo Imaaraadka Carabtu ka noqdeen kaalmaha 2aad iyo 3aad. Qiimayntan oo sannad walba la sameeyo oo uu soo saaro ururka nabadda adduunka ee caalamiga ahi oo ay wada shaqayn leeyihiin qaramada midoobay waxa la qiimeeyaa xaaladda nabad gelyo ee dalalka, dhinaca dilalka, afduubka iyo guud ahaan amni darrada iyo waliba sida dalkaasi ula dhaqmo ama xidhiidhka ka dhexeeya dalalka jaarkiisa iyo guud ahaan dhaqaalaha uu ku bixiyo nabadda iyo xasiloonida.

10-Ka Waddan Ee Sannadkan 2016 Ugu Amniga Wanaagsanaa Waxa Ay Kala Yihiin:

  1. Iceland
  2. Denmark
  3. Austria
  4. New Zealand
  5. Portugal
  6. Czech Republic
  7. Switzerland
  8. Canada
  9. Japan
  10. Slovenia

5-ta waddan ee dalalka Carbeed ugu nabadgelyo wanaagsanaa 2016:

  1. Qatar
  2. Kuwait
  3. United Arab Emirates
  4. Tunisia
  5. Oman

Ugu dambayn dhinaca Somaliland xaaladda nabad gelyo waa ay wanaagsan tahay inkasta oo dhibaatooyinka ku iman kara amniga Somaliland ay ka mid yihiin dhibaatooyinka sida aanooyinka qabaliga ah, khilaafaadka qabaa’ilka, Murannada dhulka, dhallinyarada rabshadaha sameeya IWM iyada oo khubarada ammaanku walaac weyn ka qabaan in amniga Somaliland ee wanaagsan ay dhibaato mustaqbalka kaga iman karto mustaqbal xumada dhallinyarada.

Comments are closed