|

Qaramada Midoobay oo Walaac ka Muujisay Abaaraha ka Jira Dhulka Soomaalida

Nairobi 20. November 2016 (SDN/QJ):- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xidhiidhinta Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa sheegay in abaaraha Soomaaliya ay saameeyeen dad u badan caruur oo ku sugan Soomaaliya.

ochaQaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in wax laga qabto abaaraha Soomaaliya oo ay  sheegtay in ay la il-daran yihiin dad gaadhaya 1.2 Million oo qof oo isku jira caruur iyo haween.

OCHA ayaa sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay  jirtay  in boqolkiiba 20  ay korodhay  tirada dadka ka cabanaya  cunto la’aanta aadka u daran taasina ay sabab u tahay abaaraha baahsan ee ka jira Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Qaramada Midoobey ay sheegtay in ay jiraan caruur badan oo nafaqo daro ay ku haysato Soomaaliya , loona baahan in wax laga qabto arintaasi.

Sida ay sheegayaan qiyaasaha, ku dhowaad 320,000 kun oo carruur  ah  ayaa qarka u saaran in ay u dhintaan cuduro kala duwan oo ay sababtay abaarta ka jirta Soomaaliya iyadoona 50,000 kun   oo ka mid ah ay la ildaran yihiin Nafaqo daro ba’an

Qaramada Midoobey ayaa ugu danbeyn codsatay in wax laga qabto abaaraha Soomaaliya , islamarkaana gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu ay saameeyeen.

Comments are closed