|

Wasiirka Arrimaha Dibada Hindiya oo Qaliin Kalyaha ah Lagu Sameynayo

Delhi 20. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Hindiya ayaa la sheegay in qalliin kelyaha ah lagaga sameynayo kadib markii muddo dheer ay kelyaha ka xanuunsanaysay.

sushma-swarajDad badan oo Hindiya u dhashay ayaa ku yaboohay inay kelyahooda ugu deeqayaan wasiiradda arrimaha dibadda Sushma Swaraj, ka dib markii ay Twitterka ku soo qortay in lagu samaynayo qalliin kelli looga baddalayo.

Wasiiraddaas 64 jirka ah ayaa taariikh ahaan qabtay macaan aad u daran, waxaana la dhigay cisbitaal ku yaalla Delhi horraantii bishan.

Mrs Swaraj  ayey twitter kusoo qortay in lagu samaynayo daaweyn loogu diyaarinayo qalliinka, ka dib markii ay kelli fadhiisatay. Dad badan ayaa baraha bulshada degdeg ugu soo jawaabay, ayagoo ku yaboohay kelyahooda, soona raaciyey telefoonnadooda.

Comments are closed