|

Qarax Galabta Ka Dhacay Degmada Shibis Ee Magaaladda Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

25Muqdisho: 30,June,2014(SDN/QJ)-Qarax xoogan, ayaa wuxuu galabta ka dhacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii lala beegsaday gaari uu la socday nin ka tirsanaa Wasaarada Gaadiidka ee Xukuumada Somaliya.

Qaraxa oo u muuqday mid horey loogu soo rakibay gaariga, ayaa wuxuu kula qarxay Xeendaabka Madxafka Degmada Shibis, iyadoo dhaawac ahaan goobtaasi looga qaaday ninkii gaariga la socday.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Mahad Axmed Shukub, ayaa kolkii dambe wuxuu u geeriyooday dhaawacii cuslaa ee ka soo gaaray qaraxa lagula eegtay Degmada Shibis.

Halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa gaaray Ciidamada Nabad Suggida, Booliska iyo Gudoomiyaha Degmada Shibis C/fataax Nuur Cali, Iyadoo aysan jirin cid ay qaraxaasi u soo qab qabteen.

Gudoomiyaha Shimis weli kama aanu hadlin qaraxa khasaaraha geystay ee galabta ka dhacay Degmadiisa, balse saacadaha soo socdo, ayaa laga dhursugayaa in uu faah faahin ka soo saaro.

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed