|

Qarax lala beegsaday Turki ku sugan Muqdisho

Muqdisho April 04, 2024 (QJ) -Qarax xooggan oo loo maleynayo inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la beegsaday ay la socdeen muwaadiniin Turki ah iyo dad kale oo Soomaali ah.

Qaraxan ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Muwaadiniinta Turkiga iyo Askartii la socotay. Waxaa lagu soo waramayaa in dadka ay dhibaatadu soo gaartay aysan helin gargaar caafimaad oo degdeg ah.

Ciidamada ammaanka ayaa markii dambe goobta soo gaaray si ay ugu gurmadaan dadka dhaawaca ah, isla markaana ay maareeyaan khasaaraha ka dhashay qaraxa. Gurmadka la sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa daad gureynta dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo soo qaadista meydadka dadkii ku dhintay.

Qaraxyada miinada ee ka dhaca xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay, waxaana qaraxyadaasi ay sababeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Leave a Reply