|

Sanbaloolshe oo dib loogu magacaabay Agaasimaha NISA

Muqdisho April 04, 2024 (QJ) -Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa waxa ay ku ansixiyeen soo jeedintii Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). .

C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaan, Safiir iyo Agaasime Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo uu marar kala duwan soo qabtay.

Golaha Wasiirada ayaa uga mahad celiyay Agaasimihii NISA ee xilka laga qaaday Mahad Maxamed Salaad mudadii uu xilka hayay iyo waxqabadkii uu qaranka u soo qabtay mudadii uu xafiiska joogay.

Leave a Reply