|

Qarax Madheera ka dhacay iyo khasaare uu sababay

Madhera March 25, 2024 (QJ) -Wararka naga soo gaaraya Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaasi uu ka dhacay Qarax Khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.

Qaraxa ayaa ka dhacay hotel yar oo ku yaala bartamaha magaalada Mandheera, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku dhowdahay saldhiga booliska ee magaalada Mandheera.

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo weli ciidamada Booliska ay faah faahin ka bixin khasaaraha inta uu la’egyahay.

Ciidamada Booliska ayaa wada baaritaano ka dib qaraxii maanta, waxaana la sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku soo qul qulayaan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo halkaasi howlgallo ka wada.

Comments are closed