|

Maxaabiis Iran u dhashay oo la siidaayay

Muqdisho March 25, 2024 (QJ) -Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga ka sii deysay 35-ruux oo dhamaantood u dhashay dalka Iran, kuwaasi oo u xirnaa kalluumeysi sharci darro ah oo ay ka sameynayeen biyaha Soomaaliya.

Wasiirka kumeel gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in 35-ka ruux ee Iran laga musaafuriyay dalka, isla markaana dib loogu celin doono dalkooda hooyo.

Safiirka Iran u fadhiya Soomaaliya iyo Kenya, Ali Gholampour, ayaa xaqiijiyay in kalluumaysatada sharci darrada ah laga soo tarxiilay Soomaaliya, isagoo caddeeyay in dadkaasi dib loogu celin doono dalkooda.

Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay xabsiga dhigtay kalluumeysato sharci darro ah oo u dhashay dalka Iran,kuwaasi oo lagu qabtay kaluumeysiga badda Soomaaliya.

Comments are closed