Muqdisho Feb 17,2012(qurbejoog.com)-Maanta ayaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxa lala eegtay Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ay isugu yimaadaan Saraakiil iyo Mas’uyuliyiin ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Gaariga la qarxiyay oo loo adeegsaday nuuca Kaaribta ah ayaa waxa ugu horeyn saakay la sheegay inay gacanta ku dhigeen Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ka shakiyay, waxaana la sheegay inay saarnaayeen ilaa 4-ruux.
Gaariga ayaa markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada ku sugan Xarunta CID-da waxa ay gudaha u galiyeen Xaruntaasi islamarkaaana waxa ay xireen afartii ruux ee la socotay gaariga sida ay xaqiijinayaan Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacanta ku dhigay gaarigaasi.
Markii la ogaaday in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen gaariga ayaa la sheegyay in gaariga oo qarxintiisa loo adeegsanayay Mobile ay soo waceen Kooxo kale, waxaana la sheegay in markaasi kadib gaariga lagu qarxiyay halkaasi, iyadoo ay ku dhaaacmeen ilaa -4-ruux oo labo ka mid ah la sheegay inay ahaayeen rayid halka labada kalena ay ahaayeen dad rayid ah.
Afhayeenka Ciidamada Militariga ee dowladda KMG Soomaailya Aadan Kaalmiye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gaariga ay saakay gacanta ku dhigeen islamarkaana uu sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen rag ka tirsan Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Sanadkii tagay ee 2011-ka ayay aheyd markii qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagula eegtay iridka hore ee wakaaladda hargaha iyo Saamaha halkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad u badna arday oo sugayay natooyinka Imtixaan, iyadoo Mas’uuliyadiisuna ay sheegteen Kooxda Al Shabaab.
Qurbejoog-Muqdisho
