Uncategorized

Qarax xoogan oo qasaaro geystay oo kadhacay Koofur Galbeed dalka Pakistan

Quetta Feb 17 2013 (SDN)– Ugu yaraan 63-qof ayaa ku geeriyootay in kabadan 180-kana waa ay kadhawacmeen kaddib weerar Bombaano oo ka dhacay Magaalada Quetta ee Koofur Galbeedka dalka Pakistan.

Qaraxa ayaa la soo wariyay in uu ka dhacay Suuq ay dadku ku badan yihiin oo Kuyaalla Magaalada Quetta, halkaasi oo ay ka soconayso howlaha samata bixinta ah oo ay fulinayaan hay’adaha gurmadka dowladda Pakistan. 

Magaaladda Quetta ayaa ah Magaalo ay kubadanyihiin dadka Shiicada ah waxaana uu qaraxani noqonayaa kii labaad ee ugu xooganaa ee ka dhaca Magaalada Quetta muddo shan Isbuuc ah gudahooda. 

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi, hase ahaatee saraakiisha Ciidamada dowladda Pakistan ayaa ku eedeynaya Daalibaanta dalkaasi in ay kadanbeeyaan qaraxaasi.

SDN-Quetta