Uncategorized

Madaxweynaha Afghanistan oo ku dhawaaqay qorshe lagu yareyn karo duqeynta Diyaaradaha Shisheeye ay ka geystaan dalkaasi

Kaapul Feb 17 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Afghanistan Xamid Karzai ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga dalkaasi laga mamnuuci doono in ay diyaaradaha dagaalka NATO ay ka codsadaan in ay weeraro ka fuliyaan deegaana dadka rayidka ah ay daganyihiin ee ay howglada ka fulinayaan. 

Mr Karzai ayaa tilmaamay in qorshan maanta oo Axad ah uu sharci noqon doono waxana uu carabka ku adkeeyay in tan looga goleeyahay yareynta qasaaro soo gaara dadka rayidka ah ee ku nool xaafahada dalkaasi. 

Ciidamada NATO ee dalka Afghanistan ku sugan ayay qasab ku noqon doontaa in ay u hogaansanto qorshaha Madaxweyne Karzai oo si sharici maanta loo soo saari doono. 

Dowladda Madaxweyne Karzai ayaa daleeceyn badan kala kulantay duqeymaha ay Ciidamada Shisheeye ka geystaan dalkaasi taasi oo keentay intabadan qasaaro soo gaara dadka Rayidka ah.

SDN-Kaabul