Bossaaso (QJ) – In ka badan 600 oo qaxooti Itoobiyaan ah ayaa laga soo raray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dib markii ay ciidamada ammaanku ka ceyriyeen dadkaasi si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa todobaadkan hawlgal ballaaran ka sameeyay magaalada, si ay magaalada uga sifeeyaan dadka ajaanibka ah ee aan sharciga haysan, waxayna dadka Itoobiyaanka ah ku uruurinayeen goobo cayiman, waxaana lagu daabuli jiray gawaarida xamuulka qaada.
Dowladda Puntland ayaa u xilsaartay ciidamada ilaalada gadiidka xamuulka ah, iyagoo hubinaya in dadka la soo tarxiilay ay si nabad ah ku tagaan deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida (DDS) ee dalka Itoobiya.
Sidoo kale, dowladda Puntland ayaa toddobaadkan ka saartay magaalada Garoowe ku dhawaad 1,000 tahriibayaal Itoobiyaan ah, iyadoo sabab looga dhigay cabsida laga qabo in kooxda Daacish ay u qorto dagaalyahanno.
