|

Qaybo Ka Mid ah Shacabka Magaalada Boorama oo Mudaharaad ka hor Sameeyay Xafiiska Maayarka Magaaladaasi,Iyo Cabasho Adeeg la’aan oo ay Soo Bandhigeen DAAWO

Boorama 25.July 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan xaafada Haya-yaabo ee ku taalla Koonfur-galbeed ee magaalada Boorama ayaa shalay waxay mudaharaad kahor dhigeen xafiiska shirkadda magaalada Boorama siisa biyaha ee Shaaba iyo sidoo kale xafiiska maayirka Boorama, mudaharaadkaasi oo ay ku dalbanayeen adeegyo ay ka aradan tahay xaafada ay ku nool yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin, biyaha, caafimaadka iyo waddooyin, halkaasi oo dadweynahani sheegeen inay xaafadani go’doon ka tahay horumarka kala duwan ee magaalada Boorama. Dadweynahan oo u badnaa haween ayaa ku qaylinayay “waa BIYO La’aan” ereyo ka dhan ah fadhiidnimada maayirka iyo shirkadda biyaha Boorama oo gabtay nolosha boqolaal qoys oo xaafadaasi ku nool.

cabshada-booramaTaliyaha qaybta booliska ee Boorama iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda biyaha ee Shaaba ayaa isku dayay inay dadweynahaasi gadoonsan dajiyaan, isla qanciyaan. “wixii Biyo ah Insha Allah arrintaa galbeedka ayay rajo fiican leedahay, maalintii Ciiddana waan u dhaaminay.” Waxa sidaasi ku cataabay masuul isagu ka socday shirkadda lagu mudaharaaday ee biyaha oo si hag—hago leh hadalka ugu tuuray dhegta taliyaha qaybta booliska oo agtaagnaa.
Dumar Hooyooyin u badan oo wariyuhu mikrafoonka la dhexqaaday ayaa sheegay inaanay habayaraatee aanay helin adeegyada aasaasiga ah, oo ay xaafada ay ku nool yihiin ay sida ay sheegeen go’doon ka tahay magaalada inteeda kale “Biyo ma lihin, Dhakhtar Ma Lihin, waddo ma haysano, Awlaadayada iyo annaga ayaa kala barina habeenkii markuu roobku da’o. markaa waxaanu u baahan nahay intaasi weeyi oo noogu dhib badan.” Waxa sidan tidhi hooyo cabiraysay dareenka dhibta leh ee dadweynaha xaafadaasi ka haysata baahiyaha aasaasiga ah.

Duqa magaaladda Boorama oo ah masuulkii ay dadweynahaasi usoo cawdeen ee ay xafiiskiisa mudaharaadka ka hor dhigeen, oo xafiiskiisa kula hadlayay wariyaha HCTV ee gobolka Awdal ayaa arrinta dadkani ka cabanayaan ku sheegay mid hawl balaadhan oo sida hadalkiisa laga dhadhansanayo u muuqata mid aan xataa inta uu joogo xilkan ku dhamaan karayn, “hawlaha maalin kaliya laguma wada dhamaystiri karo oo magaaladu waa mid balaadhan. Ayuu yidhi maayirka Boorama, isagoo markale u jawaabaya wariyahii mikrafoonka hor dhigayna wuxuu yidhi; “Horena waan kuugu sheegay {wariye} oo mashruuca biyaha Boorama nidaamka imika ku cabto iyo daweynaha ku nool magaalada ayaa kala batay. Nidaam (system) labaad ayaanu Galbeedka ka keenaynaa, oo kaasi ayaanu uga faa’ideyn doonaa xaafada hayayaabo.” Sidaasi ayuu yidhi Maayirka magaalada Boorama.

Comments are closed