|

Wasiir Maaliyada Somaliland oo Sheegtay in loo Midoobo Taageerada Musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

Hargaysa 25, July, 2016 – (SDN/QJ): -Wasiirka maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,  ayaa sheegtay in taageero loo muujiyo Musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Doorashada Madaxtooyada ee 2017ka.

 

Wasiirad SamSamMarwo Samsam Cabdi Aadan waxaa ay sheegtay in Musharaxa xisbigaasi ay kusoo saari karaan taageero ay la garab istaagaan Doorashada madaxtooyada maadaama uu badalayo madaxwayne Siilaanyo islamarkaana uu ka mid yaha Mujaahidiin SNM.

 

“ Cudduudeena wanaageena iyo isku tageena ayaynu kusoo saaraynaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo aanu rajenayno inuu noqdo madaxwaynaha Mustaqbalka ee Siilaanyo badalaya”ayey Tidhi wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo habeen Hore hadal kooban ka jeedisay xaflada Xisbiga Kulmiye la yeeshay qurbajoogta Somaliland waxayna intaasi raacisay oo ay tidhi “Kulmiye waxaa uu taariikh wayn ku leeyahay Halgan iyo inuu dadka oo dhan soo dhaweeyo”

Comments are closed