|

Wejigii 1-aad Ee Diwaangelinta Codbixiyeyaasha Oo ka soo Dhammaatay Gobolka Sanaag Komiishanka & Xisbiyada Oo Ka Hadlay

Ceerigaabo, 25, July, 2016 – (SDN/QJ): –  Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in la soo gabogabeeyay Wejigii koowaad ee Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee ka socotay Gobolka Sanaag.

 

Diwaangelinta-3Diwaangelinta oo ka socotay 206 Goobood, ayaa Komiishanku sheegay in sidii loogu talo-galay u dhacday isla-markaana si Nabadgalyo ah Ceerigaabo ugu soo laabteen Shaqaalihii Diwaangelinta ka waday Goobaha ka baxsan Magaalada Ceerigaabo, laakiin ay Diwaangelintu ka socoto 10 Goobood oo gudaha Ceerigaabo ku yaalla.

 

Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Siciid Cali Muuse oo ugu horeyn ka hadlayey Shir-jaraa’id oo isaga iyo Guddoomiyaha Komiishanku ku qabteen Ceerigaabo Shalay, ayaa yidhi, “Waxa si nabadgelyo ku soo dhamaatay 7-dii Maalmood ee Diwaangelintu ka socotay Dhulka Miyiga ah iyo Degmooyinka Gobolka Sanaag ee ka baxsan Magaalada Ceerigaabo. Waxa si Nabad ah ku soo noqday dhammaan (Hawl-wadeennadii) Goobahaa.”

 

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay, “Waxa weli socda tobankii Goobood ee Magaalada Ceerigaabo Diwaangelintu ka socotay. Sidaa daraadeed waxa Komiishanku ku faraxsan yahay in Toddobaadkii koowaad Diwaangelintu si Nabad ah inoogu soo dhamaatay..”ayuu yidhi, Siciid Cali Muuse.

 

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo isagu halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Muddadii Diwaangelintu socotay aanay wax dhib ahi la kulmin Hawl-wadeennada Komiishanka.

 

Guddoomiyaha oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxaanu Shacabka Gobolka Sanaag u sheegaynaa in Toddobadii Maalmood ee u horeeyay ee Diwaangelintu ka socotay Gobolka Sanaag dhamaadeen. Shaqaalihii, Agabkii iyo Gaadiidkii oo wada socdaa (ee ka shaqeynayey) 206-dii Goobood Xalay (Habeen hore) 12:00 kii ayay si nabadgelyo ugu soo xeroodeen Magaalada Ceerigaabo. Waxaynu ugu Mahad-naqaynaa ILAAHAY oo inoo suurto-geliyey Hawshaa. 7-daa Maalmood wax dhibaato ah oo dhacay ma jirto oo si Nabadgalyo ayay ku soo dhammeeyeen Hawl-wadeennadu, Wax khasaare ah oo Xagga Gaadiidka iyo Xagga Qalabka ahina nalamay kulmin, Shaqaalihiina iyaga oo Nabad-qaba oo faraxsan bay soo noqdeen.”

 

Xubno Matalayey Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheeay in Diwaangelintu si wanaagsan uga dhacday Gobolka Sanaag, iyaga oo Komiishanka ku amaanay dedaal, ILAAHAYNA uga Mahad-naqay qabsoomidda Diwaangelinta.

Comments are closed