|

Qaybtii Labaad Ee  Qodobadda Heshiiska Hordhaca Ah Qaybtiisa Wareejinta Dekedda Berbera Xiisaha ku Lamaan Iyo Turjumidii: Dr Maxamed Siciid Xirsi

Hargaysa 29.May 2016 (SDN/QJ):- Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qoddobada heshiiska hordhaca ah ee ay wada galeen xukuumadda iyo DP World, qaybtiisa wareejinta dekedda Berbera oo ka kooban 37 qodob, kuwaasoo 8 ka mid ah aanu idiinku soo gudbinay.

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

Qaybtii qaybtii labaad oo uu turjumay Garyaqaan Sharci Dr, Maxamed Siciid Xirsi waxay u dhigantay sidan.

Qodobka Sagaalaad

Xuquuqaha la siiyaha

Bixiyuhu wuxuu siinayaa la siiyaha dhamaan xuquuqaha qodobbadan:

1.    Laga bilaabo taariikhda wareejinta iyo wixii ka danbeeya xaqa ku keliyaysiga iyo gaar u lahaanshaha hawl-fulinta dekeda iyo  waajibaadka qabashada shaqooyinka wadista iyo hawl-fulinta dekeda Berbera iyo ururinta dhamaan dakhliga shaqo, wanaaga dekeda oo ay ku jiraan qabashada hawlaha balaadhinta.

2.    Abuurida amaanka hantidooda oo ay ku jiraan hantida guurtada ah ee loo adeegsanayo fulinta shaqada dekeda.

iii.   Xaqa baabi’inta ama daadinta xamuul kasta oo aan cidi ku doodayn.

1.    Xaqa ogolaanshaha diidmada maritaanka xorta ah ee konteenarada iyo xamuulada kale ee soo gelaya ama ka baxaya aagga.

2.    Isticmaalka jidadka ku soo xidhmaya aagga (Kuwaas oo ay tahay in Dawlada ku ilaaliso xaalad wanaagsan).

Adeegyada La siiyaha waxaan ku jirayn:

1.    Dhamaan adeegyada badda ee marinada dekeda iyo wajahaada xagga dekeda (kuwaas waxaa bixinaya bixiyaha).

2.    Shaqada harbour masterka

Qodobka Tobnaad

Waajibaadka la siiyaha ee hawlgalka dekeda

La siiyuhu wuxuu masuul ka noqonayaa hawlgelinta iyo dayactirka dekeda si waafaqsan hab-dhaqanka Caalamiga ah ee lagu qeexay heshiiskan wareejinta.

Qodobka kow iyo tobnaad

Bixinta fiiga (khidmada) iyo xaqul-qalinka

Xaqul qalin 15 milyan oo Dollar ah, waxaa 5 milyan oo ka mid ah  lagu bixinayaa oo lagu taageerayaa bixiyaha si uu hawlihiisa ugu qabsado oo ay ku jirayaan taag, 10 milyanna waa kaash.

Fiiga ama khidmada wareejinta ee la siiyuhu siinayo bixiyaha waxay ka kooban yihiin:

1.    a)      Khidmad xadidan oo aan is bedelayn oo 5 milyan oo doolar ah sanadkii (oo aan taxnaan doonin); iyo

2.    b)      Khidmad is bedesha oo 10% ka ah dakhliga la siiyuhu ka ururiyo hawlgalka dekeda.

 

Qodobka laba iyo tobnaad

Tacriifadaha

La siiyuhu wuxuu u yeelanayaa xoriyad buuxda dejinta, wax ka bedelka, cashuurida, ururinta, ka khafiifinta tacriifadaha isticmaalka iyo macaamiisha dekeda iyo bixinta adeegyda sida waafaqsan qodobbada qaybtan. La siiyuhu wuu faafinayaa tacriifadahooda ku quman adeegyada dekeda ee ay bixiyaan.

La siiyuhu wuxuu kordhin karaa oo keliya tacriifadahaa uu faafiyay labadii sanoba mar, sidaana marka uu samaynayo wuxuu la tashanayaa xukuumada, wuxuuna xaqiijinayaa in tacriifadahaasi ay la tartami karaan adeegyada dekedaha dalalka jaarka.

La siiyuhu wuxuu xor u yahay in uu isagu ka urursado tacriifadaha macaamiisha ama ay u ururiso hay’ad ururin. Xukuumadu waxay xilqaadaysaa in uu helo ama in ay siiso ogolaanshaha looga baahan yahay ujeedadaas.

Qodobka sadex iyo tobnaad

Shaqaalaha

La siiyuhu laga bilaabo maalinta wareejinta wuxuu shaqaale u qaadanayaa shaqaalihii hore ee dekeda uga shaqaynayay (marka laga reebo shaqaale cayiman oo bixiyaha lagu wareejinayo), shaqaalaha dekeda ee la siiyuhu si macquul ah ugu arko in ay ku haboon yihiin u tartamida jago cayiman, waxaa lala gelayaa heshiis cusub oo aan ka dhaqaale yarayn, tii ay hayeen wareejinta ka hor.

Bixiyuhu wuxuu la siiyaha ka damaanad qaadayaa dacwad kasta oo shaqaale la xidhiidha oo ka horaysay taariikhda wareejinta.

Qodobka afar iyo tobnaad

Adeegyada bixiyaha

Bixiyuhu wuxuu siinayaa la siiyaha ama macaamiisha adeegyada dekedeed ee soo socda ee inta dekeda dhexdeeda ah:

  1. Maamulka socodka maraakiibta.
  2. Xakamaynta Badeecadaha khatarta ah si waafaqsan xeer-nidaamyada IMO.
  • Gargaarka badmaaxida. soo hogaaminta maraakiibta ku soo xidhanaysa dekeda.
  1. Ka jiidista iyo ku soo jiidista maraakiibta dekeda.
  2. Ku xidhida iyo ka furida dekeda.
  3. Ka hortaga iyo bakhtiinta dabka ee badda.
  • Adeegyada baroosin dhigashada.
  • Qodista badda.
  1. Ku soo xidhista dekeda.

La siiyaha iyo bixiyuhu waxay heshiis ka gelayaan bixinta adeegyadaa, isagoo bixiyuhu adeegyadaa u wakiilanaya la siiyaha.

Bixiyaha ayaa adeegyadaa cashuuraya si waafaqsan tacriifadaha hadda jira ee dekeda Berbera, marka aanay adeegyada qaarkood ku jirin tacriifadaha hadda ee dekeda berbera qiimaha waxaa goynaya bixiyaha.

Khidmada soo xidhida ee dekeda hadda jirta iyo ta cusub waxaa cashuuraya bixiyaha.

Bixiyuhu wuxuu adeegyadaa dekedeed u cashuuraya sida ugu wanaagsan ee la tartamaysa dekedaha kale ee Gobolka oo ay ku jiraan, balse aan ku koobnayn dekedaha Saylac, Bulaxaar, Ceel-sheekh, Maydh iwm.

Qodobka shan iyo tobnaad

Xukuumadu waxay ogolaatay in ay bixiso ama sababto in la bixiyo adeegyadan soo socda:

1.    Adeegyada bixiyuhu ka mid yihiin waa in la siiyaa la siiyaha iyadoo saacado ku salaysan.

2.    Biyaha waa in lagu bixiyaa qiimo aan ka sarayn  qiimaha ay shirkadaha kale ee dekeda iyo aageeda ka aasaasani ku bixinayaan.

iii.            Xukuumadu waxay bixinaysaa ama sababaysaa in la bixiyo adeegyada isgaadhsiineed oo ay ku bixinayso tacriifadaha la faafiyay.

La siiyuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu dhashado korontada dekeda lagu isticmaalayo.

Qodobka lix iyo tobnaad

Shaqada balaadhinta

La siiyuhu wuxuu u samaynayaa kor u qaadista iyo shaqada balaadhinta dekeda hadda jirta, sidan soo socota:

Wejiga 0: (Islamarkaba), xoojinta dekeda, dayactirka barxada, dhismayaasha,  keenida 3 wiish dekedeed oo guurguura, 5 raseeye, 3 faaruq qaade, 18 ITV iyo sidoo kale nidaam cusub oo hawlgal, IT iyo xoojin amaan oo ay ugu badnaan ku baxayso 62m$ (Laba iyo lixdan Milyan oo Dollar).

Wejiga 1: Bilawga naqshadaynta iyo dhismaha deked cusub oo 400m ah iyo barxad 25hectar ah oo loo bilaabayo sida ugu macquulsan, 3 markab wiish iyo 7 wiish oo taayiro rabadh ah leh oo ay ku baxayso ugu badnaan 170m$ (Boqol iyo todobaatan Milyan oo Dollar).

Wejiga 2: (Marka uu gaadho isticmaalka dekeda cusubi 75%) waxa la samaynayaa deked kale oo fidin ah oo cabirkeedu yahay 400m, barxad 25ha ah, 3 markab wiish iyo 7 wiish oo taayiro rabadh ah leh oo ay ku baxayso ugu badnaan 210m$ (Laba boqol iyo toban Milyan oo Dollar).

La siiyuhu wuxuu xaqiijinayaa in dhamaan heshiisyada qalabka balaadhinta si madaxbanaan oo lagu tartamo loo bandhigo.

Qodobka todoba iyo tobnaad

Shaqooyinka Xukuumada

Xukuumadu waxay xilqaadaysaa bixinta ruqsadaha iyo ogolaanshaha looga baahan yahay shaqada fidinta dekeda iyo in ay sugto amaanka dekeda.

Qodobka sideed iyo tobnaad

Cashuur iyo gunooyin

La siiyuhu wuxuu xaq u leeyahay in lagu kaalmeeyo cashuur dhaaf 100% tobonka sano ee ugu horeeya iyo 50% shanta sano ee ku xigta.

La siiyaha waajib kuma aha in uu bixiyo cashuur kastam, cashuur kale oo toos ah ama dadban mudada shaqada fidinta.

Qodobka sagaal iyo tobnaad

Dayactir

La siiyuhu wuxuu qaadayaa masuuliyada hagaajinta iyo dayactirka macquulka ah ee loo baahan yahay in xaalad wanaagsan oo waafaqsan habdhaqanka caalamiga ah, lagu sameeyo dhamaan hantida guurtada ah iyo adeegayaasha dekeda ee la xidhiidha waxyeelada caadiga ah iyo waxyeelada qadarka Alleh, iyagoo adeegsanaya qalab tayo wanaagsan, kuwaas oo kharashkooda ay isu qabayaan.

Qodobka labaatanaad

Ogolaanshaha iyo ruqsadaha

Xukuumaddu waqti kasta mudada  heshiiska ee la cayimay, waxay wareejinaysaa, helaysaa, cusboonaysiinaysaa dhamaan ogolaanshaha loo baahan yahay ee magaca ama danta la siiyaha. bixiyaha iyo la siiyuhu waxay Dawlada arrintaa ka siinayaan caawimada loo baahan yahay.

Qodobka kow iyo labaatanaad

La siiyuhu wuxuu ka masuul yahay in uu dayrista nidaamka ammaanka gudaha Dekedda.

Xukuumaduna waxay masuul ka tahay dhamaan amaanka dibada dayrka oo ay ku jiraan:

1.    Amaanka dhulka la jaarka ah iyo dhulka ka baxsan dayrka aaga dekeda.

2.    Badda la jaarka ah ee ka baxsan aagaa iyadoo u maraysa ilaalada xeebaha ama wax u dhigma.

Ka hortaga argagixisada, af-duubka, baabi’inta iyo falalka la nooc ah si waafaqsan Xeerka ISPS.

Qodobka laba iyo labaatanaad

Siin qandaraas

La siiyuhu wuxuu awood u leeyahay inuu qandaraas siiyo dhinac sadexaad. Siinta qandaraasku kama dulqaadayso la siiyaha waajibaadka aasaasiga ah ee bixiyaha ee ku cad heshiiska wareejinta, bixin qandaraas kastaana waa in uu dhacaa si waafaqsan xeerarka dhaqangalka ah.

Qodobka sadex iyo labaatanaad

Sii bixin

La siiyaha waxaa loo ogolaaday  sii bixin  dekeda dhexdeeda ah, iyadoo bixiyuhu ogolaanayo (ogolaanshahaa waa in aan laga noqon, lana habsaamin).

Qodobka afar iyo labaatanaad                                          

Caymis

La siiyuhu wuxuu helayaa oo yeelanayaa caymis si waafaqsan hab-dhaqanka caalamiga ah, iyadoo la tixgelinaya dhamaan duruufaha.

Qodobka shan iyo labaatanaad

Sharci bedel

Haddii ka dib dhaqangelinta heshiiskan wareejinta bedelaad shuruuceed muuqato, si kalena aanay u iman gudasha la’aanta bedelaada shuruucdu:

1.    La siiyaha ku kordhiso kharash ama ka yarayso dakhli, ama

2.    La siiyaha ka yarayso kharash ama u kordhiso dakhli, ama

·         Ay saamayso awooda la siiyaha ee gudashada waajibaadyada heshiiska wareejinta,

Markaa:

1.    La siiyuhu ma gelayo jebin heshiiskan oo ku saabsan wax heshiiskan wareejinta ka mid ah oo uu awoodi kari waayay gudashadiisa sababtaa darteed.

La siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa in looga magdhabo isbedelkaa uu sababay bedelka shuruucdu.

 

Qodobka lix iyo labaatanaad

Isbedel

Marka la siiyaha waajibaadkiisa ku xusan heshiiska wareejinta isbedel ku yimaado ay sababtay shuruuda bixiyaha ama Xukuumadu, ka dib taariikhda saxeexa heshiiskan, la siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa inuu istaago halkii uu taagnaa isbedelka ka hor, taas oo keenaysa magdhawga bixiyaha oo ah in khidmadii wareejinta heshiiska uu bixiyo ama waqtiga la kordhiyo.

 

Qodobka todoba iyo labaatanaad

Magdhaw

La siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa inuu ka xoroobo, bixiyuhuna wuxuu xaq u yeelanayaa in uu is hortaago magdhaw, marka ay yimaadaan dhacdooyin cayiman oo ay ku jiraan (balse aan ku koobnayn) jebinta waajibaadkoodii heshiiska wareejinta ee bixiyaha ama xukuumada ama marka ay dhacdo siyaasadeed sii socoto.

Dhacdooyin siyaasadeed waxaa loola jeedaa:

  1. a)Cadaawad (ha noqdo ama yaanu noqon dagaal lagu dhawaaqay), qabsasho cadaw dibadeed, dagaal sokeeye, kacaan, kacdoon mucaarad hubaysan, inqilaab malateri, qalalaase rayid, argagixiso, baabi’in ama,
  2. b)Xairaad, go’doomin ama bandaw.

 

Qodobka sideed iyo labaatanaad

Dhacdooyinka soo socdaa waa kuwo la siiyuhu uu xor ka nqonayo masuuliyaddooda gudashada waajibaadyada heshiiska wareejinta, isla markaana aanuu xaq ugu yeelanayn bixiyuhu la siiyaha magdhaw:

1.    Dab, qarax, danab.

2.    Duufaan,  daaddad,  burqasho biyodo.

·         Dhul-gariir, dumis ama soo dhac.

1.    Dikhaw Nukliyeer kiimikal ama bayoolaji ah (iyadoo ay tahay in aanu ku iman sabab dhacdo siyaasadeed).

2.    Waxyeelo kasta ama baaba’a dekeda ama wadooyin u adeega dekeda oo ay sabab u tahay dhacdo la siiyuhu caymiskiisa hoos timaada.

Qodobka sagaal iyo labaatanaad

Burinta heshiiska iyo cawaaqibka

Burin

Labada Dhinacba waxay xaq u leeyihiin in buriyaan heshiiskan wareejinta dekeda sabab la xidhiidha  gudasho la’aan waajibaad sida ku qeexan heshiiskan wareejinta.

Dhinac kastaa wuxuu dhexdexaadin u gudbin karaa, tabasho ah in laga magdhabo khasaare la cadayn

karo oo ka dhashay burinta heshiiska.

Wixii  la xidhiidha burinta heshiiska waa in lagu bixiyaa 90 casho gudahood taariikhda tirtirida heshiiskan wareejinta.

Cawaaqibka gudasha la’aanta bixiyaha ee tirtirida heshiiska:

Marka la eego burinta hore ee ka timi gudasha la’aanta bixiyaha; bixiyuhu waxaa waajib ku ah in uu bixiyo in ka badan:

  1. Dhamaan qiimaha masuuliyadaha dhinaca sadexaad oo ay ku jiraan daynta la siiyaha iyo kharash kasta oo kala go’a ka yimi iyo,
  2. Qiimaha la siiyaha ee bixinta hantida dekeda oo ka saraysa,
  3. a)Sicirka suuqa ee la sahamiyay,
  4. b)      Qiimaha buugga Loo geeyay
1)      Faa’iidadii la siiyaha ee ku salaysnayd mudada heshiiskan wareejintu dhamaanayo.

2)      Xadiga u dhigma maalgelinta la siiyahu ku maalgeliyay saamilaydiisa oo ay ku jirto daynta uu sii horumariyay la siiyuhu.

Cawaaqibka gudasha la’aanta la siiyaha ee tirtirida heshiiska:

Marka la eego burinta ka timi gudasha la’aanta la siiyaha, bixiyaha waxaa waajib ku ah in uu bixiyo in ka badan:

1)      Dhamaan qiimaha masuuliyadaha dhinaca sadexaad oo ay ku jiraan daynta la siiyaha iyo kharash kasta oo kala go’a ka yimi iyo

2)      Qiimaha la siiyaha ee bixinta hantida dekeda oo ah qiimo-dhimista (lagu heshiiyay) qiimaha go’an ee buugga.

Cawaaqibka tirtirada heshiiska ee arrin qadar alleh ah oo waqti dheer:

Haddii la siiyuhu hawsha dekeda socodsiin kari waayo, oo ay sabab u tahay arrin qadar Alleh ah oo taagnaata mudo ka badan 365 maalmood, markaa dhinac kastaa wuxuu xaq u yeelanayaa in uu tirtiro ama buriyo heshiiskan wareejinta, xaaladaas bixiyaha waxa waajib ku ah inuu bixiyo wax ka badan:

iii.            Dhamaan qiimaha masuuliyadaha dhinaca sadexaad oo ay ku jiraan daynta la siiyaha iyo kharash kasta oo kala go’a ka yimi iyo

  1. Qiimaha la siiyaha ee bixinta hantida dekeda oo ka saraysa:
  2. c)Sicirka suuqa ee la sahamiyay;
  3. d)Qiimaha buugga;

Waxaa lagu darayaa  xadiga u dhigma maalgelinta la siiyahu ku maalgeliyay saamilaydiisa oo ku jirto daynta uu sii horumariyay la siiyuhu.

Bixiyuhu masuul ugama noqonayo la siiyaha wax ka mid ah ama dhamaan khasaaraha faa’iidada uu heli lahaa mudada hadhay ee heshiiskan wareejinta iyo mudo kasta oo la kordhin lahaa.

Qodobka Sodonaad

Soo wareejinta dekeda iyo hawlaha raacaya ee burinta heshiiska wareejinta

Dhamaadka mudada ama burin kasta la siiyuhu wuxuu ku wareejinayaa bixiyaha dekeda hantidii la siiyay oo shaqaynaysa xaalad wanaagsana ku sugan, bixiyuhuna waa in uu aqbalaa cashuur ama dulsaar la’aan.

Qodobka kow iyo sodonaad

Wareejin/sii xilsaarasho mudada heshiiska

Dhinac kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wareejiyo danihiisa heshiiskan wareejinta.

 

La siiyuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu wareejiyo wax kasta oo ka mid ah amaanka hantida la siiyaha ee dekeda si uu ugu taageero maaliyadiisa.

 

Qodobka laba iyo sodonaad

Gacan-ku celin

La siiyuhu wuxuu gacanta ku celinayaa dekeda iyo hantida la siiyay oo xaaladoodu tahay sidii uu kula wareegay, iyadoo la tixgelinayo jeexmida, jabida iyo xumaanshaha marka la eego da’da ay jiraan hantidaasi.

DPW waxay ogolaanaysaa barnaamijyada IT mudo kala guur ah dhamaadka heshiiska ka dib.

Qodobka sadex iyo sodonaad

Xukuumadu waxay damiin ka tahay waajibaadyada bixiyaha, gaar ahaan oo ay ku jiraan, balse aan ku koobnayn bixinta magdhawga burinta heshiiska ee la siiyaha sida uu dhigayo heshiiskan wareejintu.

Qodobka afar iyo sodonaad

Maalgelin

Xukuumada iyo bixiyuhu waxay aqoonsadeen in la siiyuhu dhaqaale u raadin karo, maalgelintiisa dekeda, sidaa ay xukuumada iyo bixiyuhu u ogolaadeen inay galaan dekumentiyo damaanadeed iyo kuwo u xil-saarid (oo ay ku jiraan u xil-saarasho heshiis bixin iyo heshiisyo adeegyo dekedeed), iyadoo amaah bixiyayaasha la siiyuhu si maangal ah ugu baahan karaan dheeraad, markaa Xukuumada iyo bixiyuhu hadii loo baahdo waxay heshiisyo toos ah la geli karaan amaah bixiyayaasha la siiyaha, qaab lagu kabayo heshiiska wareejinta.

Qodobka shan iyo sodonaad

Xeerka la dabaqayo

Heshiiska wareejinta waxaa loo raacayaa xeerarka Egland.

Qodobka Lix iyo sodonaad

Khilaaf xalin

Haddii wax khilaaf ah ama dacwad ah ama is qabsi ama is maandhaaf  nooc kasta oo khilaaf uu ka dhex abuurmo dhinacyada oo ku saabsan heshiiskan ama jebin heshiis yimaada, waxay dhinacyadu isku deyayaan in qaab saaxiibtinimo ku dhameeyaan khilaafkooda (30) casho gudahood oo ka bilaabanaysa maalinta dhinacyada midkood ogaysiiyo dhinaca kale.

Hadii khilaafkaa ay dhinacyadu wada-hadal ku xalin kari waayaan mudadaa (30) casho ah ama waqti kasta oo dheeraada, waxaa arrinta loo gudbinayaa dhexdhexaadin ay samaynayaan labada shirkadood ee Imaarada Dubai ee kala ah DIFC & L-CIA, si waafaqsan xeer-hoosaadyadooda.

 

Qodobka Todoba iyo sodonaad

Qodobbo udub-dhexaad ah

Dhinacyadu waxay kaloo ku heshiiyeen in ay heshiiskooda wareejinta ay ku jiraan qodobbada udub-dhexaadka ah (Biolerplate) ee soo socda:

  1. Sir xafidaad
  2. Metelaad ku dhisan karti iyo ogolaansho;
  • In dhinac kastaa qaado kharashka wadahadalka iyo fulinta heshiiska;
  1. In aan dhanbaalo la baahin iyadoo aan dhinaca kale ogolaan;
  2. Ogaysiimaha
  3. Ka xayuubinta bixiyaha ee xasaanada is xukunka;
  • Heshiiska oo dhan;
  • Ka xayuubin la’aan;
  1. Qaybsan-gelid;
  2. Xaqiijin dheeraada;
  3. Wax ka bedel
  • Masuuliyad qaadis la’aan khasaaraha muhiimka ah ee aan si cad loogu sheegin heshiiska wareejinta;
  • Ka damaanad qaadis dacwad dhinac sadexaad;
  • Isu-dhignaan;
  1. Dhinacyada hoos ku xusan, waxay isla garteen in aan heshiiskan hordhaca ah (Term-sheet) aanu sinaba u bedelayn ama loogu qaadan karin heshiis wareejin ama bixin. Heshiiskan hordhaca ahi wuxuu ka tarjumayaa xaalada taagan ee wadahadalada ee la xidhiidha heshiiska wareejinta, balse haddii dhinacyadu isku raaci waayaan qodobbada dhiman ee heshiiska markaa loo qaadan maayo heshiis. Heshiiskan hordhaca ahi dabar sharci uma yeelanayo dhinacyada.
  • Waxaa u saxeexay………….
  • DP World FZE
  • Waxaa u Saxeexay…….
  • Maamulka Dekeda Berbera

Tarjumaadan, waxa sameeyay garyaqaan Max’ed Siciid Xirsi, Isagoo Yidhi “waxaan helay nuqul meelo badan ka baaba’san, waxaan isku deyay in aan nuxur ahaan tarjumo qodobbada heshiiska waxaan ka cudur daaranayaa wixii khalad ah farsamo ah ee ku jiri karta turjumaadan oo u kasin, waxaana codsanayaa in ay i soo saxdo cidii wax khalad ah ku aragta, tarjumaadani maaha mid rasmi ah balse waa mid shakhsi ah.37ka  Qodob Ee Heshiiska Hordhaca Ah Qaybtiisa Wareejinta Dekedda Berbera

Comments are closed