|

Real Madrid Oo Markii 11’aad Qaadday Koobka Horyaalka Kooxaha Yurub

REAL

Hargeysa,29,5,2016 (QJ/SDN) – Real Madrid ayaa ku guuleysatay markeedii 11’aad koobka Champions League ka dib markii ay rigoodhe 5-3 ay kaga badiyeen kooxda Atletico Madrid final la isku rafaaday oo ka dhacay San Siro ka dib markii 120 daqiiqo lagu kala bixi waayay barbaro 1-1 ah.

Juanfran ayaa gool ku laadkii la isla gaadhay ka qasaariyay kooxda Real Madrid, iyadoo rigoodhada guusha uu u dhaliyay kooxda Los Blancos CRISTIANO RONALDO kaasoo ku hogaamiyay Real Madrid koobkiidii 11AAD ee CHAMPIONS LEAGUE.

Labada kooxood ayaa ku soo galay shaxdooda ugu adag, labada macalina ma aysan reebanin waxba iyagoo diyaargarow weyn u soo galay maalinta ugu weyn tartanka Champions League, Cristiano Ronaldo ayaana taam u noqday inuu ku soo bilowdo kulankaan.

Comments are closed