|

QM oo ka hadashay xaalada Soomaaliya

NY October 26, 2023(QJ) -Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Arbacadii shalay ayaa xuska maalinta Qaramada Midoobay uga hadashay arrimo ku saabsan colaadda u dhexeysa dawladda Faderaalka iyo Puntland iyo xaaladda Laascaanood.

Catriona Laing ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya in ay Puntland la gasho gorgortan siyaasadeed, gaar ahaana qaab dhismeedka golaha wada tashiga qaran, maadaama ay beryahan dambe wada hadalo muhiim ah u lahaayeen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Waxay carabka ku adkeysay baahida loo qabo in haweenka lagu daro heshiisyo dhameystiran oo khuseeya arrimaha xasaasiga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira doorashooyinka soo socda ee dalka. Waxa ay sidoo kale xustay in hadii is afgarad laga gaari waayo madaxda Puntland ay taasi halis gelin karto hanaanka doorashada.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, isagoo ugu baaqay maamulka SSC-Khaatumo iyo Somaliland inay si nabad ah isku dhaafsadaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa intii ay khudbada jeedinaysay waxay ku boorisay dhinacyada inay ka waantoobaan rabshadaha ka socda Laascaanood.

Waxa ay carabka ku dhufatay in loo baahan yahay in si nabad ah lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya SSC iyo Somaliland, iyadoo carabka ku adkeysay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inay gacan ka siiso dadaalada nabada iyo xalinta khilaafaadka.

Comments are closed