|

Soomaaliya oo sheegtay in weli ay dooneyso midnimo

Muqdisho October 27,2023-Ergayga Madaxweynaha Somaliya u qaabilsan Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii loo gaadhi lahaa midnimada dalka iyo sidii loo heli lahaa wanaagga muwaadiniinta oo dhan.

Waxa uu xusay in aysan jirin wax isbedel ah oo muuqda oo ku yimid mowqifka siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan wada-hadallada Somaliland.
Ergeyga Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday in midnimada shacabka ay wax ka tari karto caqabadaha hortaagan horumarka bulshada iyo dhismaha dowladnimada.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay mudnaanta siiso arrimaha la xiriira waxbarashada, amniga, iyo midnimada qaranka, ayna lagama maarmaan tahay in la isku xiro dadaallada wax looga qabanayo howlahaas.
Dhowaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay hoggaanka SSC-Khaatumo oo horay uga tirsanaan jiray Somaliland, ka hor intii aysan dhicin xiisadaha ka taagan magaalada Laascaanood ee sannadkii hore.

Somaliland ayaa si xun uga jawaabtay aqoonsiga ay dowladda Soomaaliya siisay SSC-Khaatumo, waxayna sheegtay in tallaabadan ay wax badan ka tari karto xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Comments are closed