|

QM oo Puntland ka codsatay in ay gacan ka geysato nabadeynta Sool

Garoowe November 13, 2023 (QJ) -Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday maamul-goboleedka Puntland inay qaado tillaabo nabadeed oo lagu xallinayo colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Ms. Catriona Liang, oo ah wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ku nuux-nuuxsatay booqashadii ay ku tagtay magaalada Garoowe, halkaasoo ay Sabtidii wada hadal kula yeelatay madaxda ugu sareysa Puntland.

Ergeyga ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay bogaadinayso dadaalka Puntland ee martigelinta in ka badan 100,000 oo barakacayaal ah oo ka soo qaxay dagaalladii dhawaan ka dhacay Laascaanood.

Ms. Liang ayaa qiratay mas’uuliyadda weyn ee Puntland ka saaran bixinta gargaarka bini’aadantinimo, waxayna ka mahadcelisay sida degdega ah ee ay ugu gurmadeen dadka dhibaataysanaa.

Baaqa Qaramada Midoobay ee ku aadan in xal nabadeed la gaaro arinta Sool ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalo ay dad badan ku dhinteen ay ka soo cusboonaadeen deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Comments are closed