|

Kuliyada Jaale Siyaad oo la weeraray mar kale

Muqdisho November 13, 2023 (QJ) -Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay dileen shaqsi doonayay inuu xoog ku galo Dugsiga ciidanka Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
War kooban oo ay soo saareen ciidamada ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamadooda, maadaama ay toogteen shaqsigii isku dayay in uu jiiro afaafka hore ee Dugsiga Ciidanka.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku daray in ciidamadu ay aad u feejigan yihiin si ay uga hortagaan khataraha ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda falkaasi, iyagoo sheegay inay dileen 7 askari.
Shaqsiga la aqoonsaday oo isku dayay inuu xoog ku galo ayaa la sheegay inuu xirnaa dareeska ciidamada, taasoo u sahashay inuu galo xarunta. Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ilaa 14-ruux oo uu ku jiro Taliyihii dugsiga ciidamada Jaalle Siyaad, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka hortagi waayeen in ninka weerarka soo qaaday uu galo dugsiga.
Bishii Luulyo ee sanadkan, weerar ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday dugsiga Jaalle Siyaad, iyadoo ku beegneyd sanadguuradii 14-kii October ee ka soo wareegtay afgambigii militariga, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Comments are closed