|

Qoraal cabsi gelin ah oo loo diray xildhibaanada cusub ee Baarlamanka federaalka Somalia (Akhriso)

Muqdisho 08. December 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa fariin isugu jirta cabsi gelin, wacdi iyo guubaabo u diray xildhibaanada cusub ee ka mid noqday labada aqal ee Baarlamanka Somalia.
Tarsan oo ka tirsan musharaxiinta u taagan doorashada xilka madaxweynaha Somalia ayaa fariintantiisa soo dhigay bartiisa facebook-ga isagoo xildhibaanada cusub xusuusiyey waajibaadka hor yaalla iyo sida loogu baahan yahay iney u gutaan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah siyaasi ay afkaartiisu kulushahay ayaa si weyn u naqdiya hab dhaqanka madaxda sare e dowlada xiligeedu dhamaaday e Somalia.

“Waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo masuuliyadda dusha la idiin saarey oo shacabka Somaaliyeed aad u heysiin. Si kastaba ha la idinku soo doorto, si kastaba ku imaada meesha aad maanta jogtaan hal arin ayaad ka simantihiin una simantihiin taas oo ah sedexda arin oo la idinku dhaarindoono” ayuu Tarzan.
ku yiri qoraalkiisa oo isagoo dhameystiran u qornaa sidatan:

tarsankkk

Comments are closed