|

Maxaad kala Socotaa Tirada Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ee ilaa hada la doortay?

Muqdisho 08. December 2016 (SDN/QJ):- Waxaa heer gabo gabo ah maraya Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqal Sare ku matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana dhawaan la filayaa in lasoo gabo gabeeyo doorashada Xubnaha wali harsan.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal, Abuukaate Cumar Cabdulle Dhagey, ayaa sheegay in ilaa hada la doortay 204-Xildhibaan oo kamid noqonaya aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ka koban 275-Xildhibaan.

Waxaa wali harsan 71-Xildhibaan oo kamid noqonaya Aqalka Hoose, Xildhibaanada harsan ayaa u badan Xildhibaanada gobolada Waqooyi ku matalaya Baarlamaanka cusub, waxaana Xildhibanadaasi doorashadooda shalay ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa soo gabo gabeeyay doorashada xubnaha Aqalka Hoose, waxaana wali Xildhibaano tiro yar ku harsan yihiin Maamulada Galmudug , Hirshabelle iyo Maamulka Puntland oo iyagu joojiyay doorashada xubnaha Aqalka Hoose.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee iyana la doortay ayaa gaaraya 43-Xildhibaan, waxaana harsan 11-Xubnood oo Aqalka Sare ku matalaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, kuwaa oo doorashadooda la filayo in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka cusub ee la doortay ayaa wali ku kala maqan goboladii lagu soo doortay, waxaana wali la bixin aqoonsiga Xildhibaanada la doortay, walina ma cada xiliga ay shirayaan Xildhibaanada cusub ayna dooranayaan Gudoonka sare ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Comments are closed