Qosy lagu laayay duqeyn ka dhacday Puntland

Bosaaso (QJ) – Guddoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari, Axmed Yuusuf Maxamed (Kuurshe), ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Sixna ee degmada Qandala, kaasoo lagu beegsaday qoys xoolo dhaqato ah.

Guddoomiye Khuurshe ayaa tafaasiil ka bixiyay, isagoo xaqiijiyay dhimashada afar qof iyo dhaawaca lix kale oo dhammaantood isku qoys ah, ka dib duqeyn diyaaradeed oo maqribnimadii ka dhacday miyiga Sihna.

Ugu horeyn waxaan tacsi u diraynaa qoyskii ay waxyeeladu soo gaartay, waxaana naloo sheegay afar dhimasho ah iyo lix dhaawac ah, inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna caafimaad degdeg ah ha siiyo”ayuu yiri Guddoomiye Axmed Yuusuf Maxamed (Kuurshe).

Guddoomiyaha oo ay wehlinayaan cutubyo ka tirsan Guutada Gantaalka Daraawiishta Puntland, ayaa ugu baaqay dadka deggan miyiga ku dhow buuraha Calmiskaad, oo ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada taabacsan Daacish inay isaga guuraan.

“Shacabka ku nool Qandala ee ku nool deegaannada u dhow deegaannada ay colaaduhu ka jiraan, ee ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha xagjirka ah, waxaan ka codsanaynaa in ay u guuraan deegaannada ay dowladdu ka taliso, wixii maanta dhacay waa wax laga xumaado, waana inaan ka hortagnaa falalkan oo kale inay soo laabtaan,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha gobolka.

Ma uusan carabaabin ciidamada duqeynta fuliyay balse waxa uu tilmaamay in duqeymo dhanka cirka ah laga fulinayo deegaanada lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish, taasi oo qeyb ka ah dadaalada lagu ciribtirayo.