UK oo dhex dhexaadineysa SSC-Khaatumo iyo Somaliland

Dowlada UK ayaa hada bilowday dadaalo lagu dhex dhexaadinayo maamulada SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo wali ku dagaalamaya qeybo kamid ah gobolada Sool iyo Sanaag.

Safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, oo hormuud ka ahaa hindisahan, ayaa dhawaan kulan la qaatay guddiga nabadaynta ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, isagoo kala hadlay xiisadda u dhaxaysa labada dhinac.

Mike Nithavrianakis oo ka hadlayay dadaallada dhex dhexaadinta ah ayaa soo jeediyay in marka hore labada maamul ay ka shaqeeyaan sidii ay is dhaafsan lahaayeen maxaabiista ay hayaan, kadibna ay ku dadaalaan sidii nabad looga dhalin lahaa gobolka.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la furo wadooyinka xiran, isla markaana dib loo bilaabo ganacsigii isaga kala gooshi jiray xuduuda, si buu yiri loo yareeyo xaalada goobaha ay dhibaatadu ka dhacday.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad u dhexeysa Somaliland iyo SSC, kuwaasoo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Ceerigaabo, iyadoo ciidamadooda ay weli isku hor-fadhiyaan gobollada lagu dagaalamay. Somaliland ayaa weli ka go’an in ay dib u soo ceshato deegaanada ay ka maqan tahay, halka SSC ay dooneyso in ay ku soo koobto gacan ku heynta gobolada Sool iyo Sanaag.