|

Qurbejooga Puntland oo Baaq u diray Isimadooda

Lodon Oct ,2013(SDN)-waxaan doonaynaa inaan taladaan u soo gudbino isimadda Puntland
Anagoo ah odoyaal da,ah, qurbo joog aha waayo arag ah joogga yurub iyo North America markaan aragnay xaaladda ay mareyso puntland waxaan is tusnay in aan fariin taan idiin soogudbino.

Reer walba waxay leeyhiiin hogaan Dhaqameed ay si dhabah u ixtiraaman una ah meesha dadkaas ay ku kala baxaan,hogaamiyahaas waxuu taladda wax ka siiyaa nabadoonadiisa oo u soogudbiya aragtidooda .Hadaba odey dhaqameedyadu waa in ay dadaal muujiyaan inta ka horeysa doorashada oo ay soo gud biyaan xubnihii ka qayb gali lahaa Gollaha Wakiilada ee Puntland. Puntland waa beelo is yaqaan yeysan dhicin in qof aan ka wakiil ahayn beel uusan u dhaln in uu wax u saxiixo,ama u magacaabo arintaas hadey dhacdo waa gabood fal weyn.

Waxaan xasuusineynaa Isimadayada sharafta leh in qofkii rabi u qoray madaxtinimada uu joogayo sanado yar hasayeeshee isimku uu joogayo cimrigiisa sidaasdaraadeed uu ilaaliyo sharaftiisa sidoo kale uu noqonayo Aabe u kala hiiliyey caruurtiisi oo ay u dheeranyso kalsoonixumo in uu ku abuuro dadkiisa.

Anagoo si dhaba ah xushmo karaamo iyo Ixtiraam ugu hayna madax dhaqameedka Puntland oo waliba gar waaqsan inay jiran culaysyo badan oo soo wajaha isimada puntland marka ay timaado xaallada kala guurka siyasadeed hadana waxaan leenahay ka dheerada waxkasta oo keeni kara khilaaf,tuhun iyo eex.

Ugdanbayn Waxan rumaysanahay ama ogsoonahay qaymanta iyo qadarinta uu leyahay isimka dhabtaa ee Matala bellaha kaas oo iska leh go,aan qaadashada ugu danbaysa kadib markii uu la tashado Nabadoonada, Cuqaasha iyo wax garadka beeshiisa in uu soo xulidoono dad matal una qalma, waxaan sugnaa maanta waa isbadal lataaban karo,horumar, xasilooni iyo midnimo.

Mahadsanidin
Odeyaasha yurub iyo North America

Comments are closed