Muqdisho:May,13,2015(SDN/QJ)-Laba nin oo hore uqirtay inay Kooxda Al-shabaab katirsanaayeen, isla-markaana gacantooda ku dileen Xildhibaanno ay kamid ahayd Marxuumad Saado Cali Warsame, ayaa goor dhaweyd lagu fuliyey dil toogasho ah oo lagu xukumay.
Labadaan nin ee maxkamada xukunka dilka ah ku fulisay ayaa kala ah Shuceyb Ibraahin Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi, kuwaasi oo sheegay inay geysteen dilal qorsheysan oo loo geystay xubno ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil ciidan.
Ninka lagu magacaabo Shuceyb Ibraahin Mahdi, Shabaabka wuxuu u qaabilsanaa kaxeynta gaadiidka dilalka lagu fulin jiray ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna hore uga sheekeeyay Muuqaal laga duubay inta Hawlgal fuliyey ee guusha ku dhamaaday.
Dadkii uu ka sheekeeyay in dilkooda uu ka qayb qaatay, waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Xildhibaanad Saado Cali Warsame, Marxuum Xildhibaan Xayd, Marxuum Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Dowladda.
Shuceyb iyo Faarax, saaka Fagaaraha Iskuul Buluuziyo ayaa xukun dil ah lagula fuliyay, xilli madasha ay taagnaayeen masuuliyiinta maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
