|

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo isku Shaandheyn ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada,Qoomiyad uu Mansabyo Siiyey & Mid Kale oo Sad bursi ka rabta

Addis Ababa 02.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Haile-mariam  ayaa shaqada ka eryay xubno muhiim oo aad ugu dhowaa Xukuumaddiisa, kuwaasoo ay ku jiraan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyada Itoobiya.

Prime Minister of Ethiopia Hailemariam Desalegn gives a joint pressIsbadelkan ayaa ah mid loogu tala galay in wax lagaga qabto cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha, kuwaasoo dhigaya dibad baxyo ay ku diidan yihiin dawladda.

Mr Haile-mariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha maaliyada iyo arrimaha dibadda.

Isku shaandheynta Xukuumadda ayaa ku soo Beegmaysa, iyadoo dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah, waxaana muddo sanad ku dhow ka socda qeybo ka mid ah dalka Itoobiya banaan baxyo ka dhan ah dawladda, kaasoo ay dhigayaan labada qowmiyadood ee ugu ballaadhan dalka Itoobiya.

Xil ka qaadista Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaan aheyn mid layaab ah, maadaama horay loogu ansixiyay  inuu u tartamo Jagada madaxa Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Waxaa lagu badelay Tedros Adhanom Hoggaamiye kuxigeenka Ururka Dimuqraadiga Oromada, kuwaasoo qeyb ka ah isbaheysiga talada haya.

Xubno kale oo muhiim ah ayaa laga yaabaa in is badel lagu sameeyo, si looga jawaabo dibad baxyada ay dhigayaan dadka Oromada iyo Amxaarada oo dawladda ku eedeynaya in laga badsaday  adeegyadii iyo maamulkii dawliga ahaa.

Comments are closed