|

Xildhibaano loo Xulayo Baarlamanka Somalia Isla Markaana La Hubinayo Aragtidooda Somaliland

Muqdisho 02.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Iyada oo kala xulista xildhibaannada Baarlamaanka ee Soomaaliya ay ka socoto maamul goboleedada dalka Soomaaliya ayay soo baxayaan warar kala duwan oo muujinaya cadaawad iyo sii kala fogaansho ku imanaya Somaliland iyo dawladda ka soo bixi doonta Xamar, haddii doorasho ay dhacdo.

 

Qaar ka mida musharaxiinta aqalka shacabka ee Soomaaliya ee ka tartamaya maamul-goboleedka Puntland oo la hadlay Geeska Afrika hase ahaatee magacyadooda ka gaabsaday ayaa sheegay in hay’adaha kala duwan ee qaabilsan hubinta musharaxiinta tartamaya inay weydiiyeen su’aalo la xidhiidha Somaliland iyo waxa ay ka aaminsan yihiin, waxaana su’aasha ugu badan ee musharaxiintaas la weydiiyey ka mid ah ‘Aragtida ay ka aaminsan yihiin Somaliland iyo madaxbanaanideeda’.

Lama hubo in arrintani ay tahay qorshe guud oo ay ka midaysan yihiin dawlad goboleedada hoostaga dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo inay tahay aragti ku kooban maamul goboleedka Puntland, musharaxiinta warkan aan ka soo xiganay ayaa ah kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland hase ahaatee aaminsan aragtida midnimada, kuwaas oo damac ka hayo inay ku guulaystaan ka mid noqoshada aqalka shacabka ee Soomaaliya loo dhisayo.

Comments are closed