“Labo arrin oo halkan iiga muuqata ayaa waxay igu abuurtay kalsooni, mida koobaad, waxaa halkan iiga muuqda rag iyo dumar khabiiro ah oo aqoon sare u leh amniga oo dal iyo dibedba isaga kala yimid kuwaasoo shiilay maskaxdooda sidii loo heli lahaa amniga iyo kala dambeyn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi sii raaciyay.
“Waxaa kale oo i hami geliyay ka soo qeybgalka wakiilada ka socda dawlad goboleedyada iyo maamulada kale ee ka jira gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaana arrintani ay tilmaan cad u tahay sida ay idiinkaga go’antahay inaad iska kaashataan amniga laga bilaabo magaalo madaxda Muqdisho illaa gobolada kale ee dalka”.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa sidoo kale khudbadiisan kaga codsaday golaha Baarlamaanka inay meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagixisada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga oo haatan hor yaala golaha Baarlamanka, si loo helo ciqaab sharci ah oo lala tiigsado kooxaha nabad diidka iyo argagixisad.
“Safaradii aan bishaan gudaheeda ku tegay qeybo ka mid ah gobolada dalka, sida Buuro-burde, Jowhar iyo Kismaayo, waxaan ku ogaaday in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u wada yihiin xoojinta iyo xasilinta amniga dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Wasaarada Amniga looga baahan yahay inay dhexgasho shacabka iskaashi dhowna la yeelato qeybaha bulshada gaar ahaana haweenka iyo dhalinyarada.
Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray xildhibaanadii ay kooxaha nabadiidku dileen, wuxuuna xusay in falalkan guracan ee ay ku kacayaan kooxaha argagixisadu ay dardargelin doonto ciribtirka kooxaha caddowga ku ah nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
