Uncategorized

Raiisul Wasaaraha Pakistan oo Obama ka dalbanaya in uu joojiyo weerarada Shicibku ku dhinteen ee Mareykanka

Washington Oct 23,2013(SDN)-Raiisul Wasaaraha dalka Pakistaan Nawaz Sharif ayaa amaanta kulan aqalka cad kula yeelanaya madaxwyenaha Mareykanka Barack Obama oo ay ka wada hadli doonaan arrimo dhawr ah.

Labadan masuul ayaa lagu wadaa in ay ka wadahadalaan arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha,sugida amaanka gobolka.

Waxaase la filayaa in qodobka ugu muhiimsan ee labadan masuul ka wada hadli doonaan in ay tahay sidii dawlada Mareykanka looga joojin lahaa weerardeeda duyuuradaha aaney cidi wedin.

Nawaz Sharif ayaa lagu wadaa in uu madaxweyne Obama u sharaxo khasaaraha iyo culeyska siyaasadeed ee ka dhashay weerardooda ay shicibku ka cawdeen kuna dhinteen.

Kulanka ayaa imanaya maalin uun ka dib kolkii ay hay’ada Human Rights Watch ay soo bandhigtay in weerarada Mareykanku ay ku dhinteen shicib ila markaana ay sharciga baal marsan yihiin.

Kulankan labada masuul ayaa aad loo eegaya waxa ka soo baxa isla markaana uu dhabaha u xaari doonaa cilaaqaad cusub oo labada dal dhex mara.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com