Uncategorized

Ra’isal Wasaaraha Cusub Oo Maanta La Horgeynayo Baarlamaaanka Iyo Rajada uu Ka Qabo Ansixintiisa

Muqidho:Dec,24,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo uu dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Jagadaas u magacaabay, ayaa la qorsheeyey in Maanta oo Arbaca ah uu hortegi doono Baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

sharmaXoghayaha Baarlamaanka C/kariim Xaaji Cabdi Buux ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in Maanta la qorsheeyey in golaha Shacabka la horgeyn doono Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid si xildhibaanada Barlamaanka ay cod ugu qaadaan.

Cumar Cabdirashiid ooh ore u soo noqday Ra’isal wasaare, ayaa qaba kalsooni badan, waxana uu filayaa in goluhu cod laxaad leh ku meel marin doono Ra’isal wasaarenimadiisa, maadaama aanu  dhinaca Qaswadayaasha iyo Dhibaatoyinkii dalka soo maray daahir ka yahay.

Guddoomiye Jawaari, ayaa isagu shalay ugu Baaqay mudanayaasha inay si degdeg ah uga soo qaybgalaan kulanka Baarlanaanku codka ugu qaadayo Ra’isal wasaaraha, maadaama Baahi badan loo qabo in codkaasi golaha ka gudbo si  Ra’isal wasaaaruhu shaqadiisa u guto haddii uu Kalsoonida helo.

Cumar Cabdirashiid, ayaa kasoo dhex baxay tiro siyaasiyiin ah oo dhawaan la filayey inuu Madaxweyne Xasan Sheekh u dhiibi doono Shaqadaas, waxana laga filayaa inuu si muuqata u qabyo tiri doono Tallaabooyinkii ay ka tagtay Xukuumaddii isaga ka horraysay oo ay oo u baahan in la dhamaystiro, sida maamul-goboleedyada.

 

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@Somalidiasporanews.com